14.7 C
London
Friday, November 7, 2025

Taliye cusub oo loo magacaabay Ciidanka Booliska Puntland

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, August 31, 2007(HOL): Madaxwaynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi (Jen Cadde) ayaa wareegto uu maanta Xafiiskiisa ka soo saaray wuxuu taliyaha Ciidamada Booliska Puntland ugu ku magacaabay G/lle sare C/casiis Siciid Gacamay.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabista taliyaha cusub u cuskaday  AWooddiisa ah in uu u magacaabo qofkii ka soo bixi kara howsha Taliska Booliska, iyo sidoo kale isagoo dib u eegis ku sameeyay  dastuurka DGPL, gaar ahaan Barnaamijka dib u habaynta iyo Tayaynta Awoodda waxqabad ee Ciidanka booliiska Puntland, Duruufaha Siyaasadeed iyo Amni ee Puntland iyo waayo-aragnimada uu Gaashaanle sare Cabdicasiis Siciid Gacamey uu u leeyahay hawlaha Ciidanka.

 

G/lle Sare  C/casiis Siciid Gacamay ayaa horay loo Dalacsiiyay dhowr jeer iyadoo ay ugu danbaysay u magacaabiddii loo magacaabay G/lle sare halka uu markii hore ka ahaa G/lle Dhexe.

 

Magacaabista Mr. Gacamay ayaa waxay ku soo beegmeysaa xili Amaanka Deegaanada Puntland su’aalo la iska weydiinayo gaar ahaan Magaalada Xarunta dhaqaalaha ah ee Boosaaso  oo labadii bilood ee la soo dhaafay dilal loogu kala gaystay labo sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Nabad-Sugida Puntland.

 

Maxamed Axmed Maxamed (ilka-ase)

ilkacase2010@hotmail.com

Bosaso Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).