14.7 C
London
Friday, November 7, 2025

Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee la soo gebagebeeyay maka soo baxeen mirihii loo baahnaa?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, August 31, 2007(HOL): Waxaa Magalaada Muqdisho 30kii bishan aynu ku jirno ku soo dhamaaday Shirkii dib u hishiisiinta Beelaha Soomaaliyeed oo ay ka qeyb-qaateen Ergo ka kala mid dhamaan gobalada dalka Soomaaliya kuwaasoo lagu soo xulay habka beelaha ee ah 4.5.

 

Gabogabadii shirka oo ay ka soo qeyb-galeen wakiilo ka kala socda Qarmada Midoobay, Midowga Africa, Jaamacada Carabta,  iyo waliba xubno matalayay wadamada aadka u daneeya arimaha soomaaliya, ayaa marka laga soo tago in shirkaasi la soo xiray  su’aasha lays-weydiin karo waxaa ay tahay ugu danbeytii maxaa ka soo baxay shirka,  mase lagu guuleystay qodobka ah in soomaalidu ku hishiiso maadaama sababta loo ukayba aheyd in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeya beelaha soomaaliyeed.

 

Marka dib loo eego habsamadi u socdkii shirka waxaa la oran karaa qodobadii laga wada hadlay intooda badan meel lama wada dhigin, waxaana taa ka muuqanaya in shirku soo xirmay xili wali arimuhu yihiin kuwo isku dhax-yaacsan, Tu’saale ahaan shirka oo ahaa mid loogu magacdaray dib u hishiisiinta beelaha ayaan la ogeyn ilaa hada beelo si dhab ah hishiis buuxa uga gaaray colaad horay u dhax-martay marka laga soo tago in xubin kasta oo shirka ka qeyb-gashay Ergado horteeda ka sheegtay baahida ay u qabto in soomaalidu is cafiso.

 

dhanka kale marka aad eegto shirka dib u hishisiita ee lagu soo gabo gabeeyay magaalada Muqdisho kuma uusan guuleysan u gogol xaarida shir siyaasadeed oo laysugu keeno qeybaha ku loolamaya owooda dalka maadaama qaar ka mid ah gudoonka shirka horay u sheegeen in marka uu dhamaado shirkan looga gudbi doono mid  dhinaca siyaasada looga hishiiyo.

 

Mirahii ugu weyn ee la doonayay in laga goosto mar hadii la  soo gabo gabeeyay shirka dib u hishiisiita ayaan wali bisleyn, lakiin waxaa arin aan la dhayalsan karin ah in dowlada federaalku si nabad ah ku soo dhameysay mudo 16sano ah kadib shir soomaalidu ku qabsatay gudaha dalka gaar ahaan caasimda Mudisho oo wali madaafiicdu ka dhacayaan.

 

Mid ka mid ah aqoon-yahanada ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in shirka lagu soo gabo gabeeyay magaalada muqdisho casharada ugu badan ee laga bartay la oran waxaa ugu weyn in Soomaalidu ka maarmi karto shir loogu qabto dalka dibadiisa,  mar hadii Ergo ka badan 2000 si Nabad ah shir ugu soo dhamaaday Caasimada muqdisho oo maanta lagu tiriyo in ay ka mid tahay Caasimadaha dunida ugu halista badan, waxaana  aqoon-yahanku intaa ku daray in Colaada Soomaalida u dhaxeysa iyo khilaafaadka beelaha gudahooda ah aan lagu soo dhameyn karin wax kusiman Bil am Labo bilood.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).