14.7 C
London
Friday, November 7, 2025

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegay in uu guul ku dhamaaday Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img


Jimco,
August 31, 2007(HOL):  Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shalay ka qeybgalay xafladdii xiritaanka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa waxay sheegeen in uu shirkaas guul ku dhamaaday.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in shirka dib u  heshiisiinta Soomaaliyeed uu guul iyo farxad uu u horseeday shacabka Soomaaliyeed, isagoo taasina sabab uga dhigay waa sida uu u yiriye sida uu Adduunka u daneynayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in guusha shirka laga gaaray ay ku xiran tahay sida uu micno ugu yeelo shacabka Soomaaliyeed, una garwaaqsado guusha u soo hoyatay,”Waa markii ugu horeysay oo qabaa’ilka ama Beelaha Soomaaliyeed oo dhan ka wada qeybqaataan in ay ka taliyaan sidii dalkooda loogu maamuli lahaa, Ummadnimadoodana ku hano qaadi lahayd Mustaqbalka, Dowladda Soomaaliyeed sina uma faragashan Ajendooyinka iyo fikradaha shirka lagaga doodayay, si shirka uu u noqdo mid madax bannaan oo muujiya rabitaanka shacabka iyo xornimada muwaadiniinta Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo dadka Soomaaliyeed ay indhahooda ku arkaan in dowladdooda ay raali ka tahay wax kasta oo talada dadkooda iyo dalkoodaba lagu toosinayo iyo in aan sina loogu baahneyn in la sii wado dagaal macno darro ah”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf.

Halkan ka dhegeyso Khudbadda
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf

 

Madaxweynaha wuxuu kaloo sheegay in guusha soo hoyatay ay ku xiratay sida ay Dowladda u meel mariso heshiisyada iyo talooyinka ka soo baxay shirweynaha, “Waxay dowladda Federaalka Soomaaliyeed ballanqaadeysaa in ay wada hadal iyo wada tashi ay ku wajahdo wax kasta oo la soo gudboonaada, in qodobada iyo heshiiska iyo talooyinka shirweynaha ay dowladda fulineyso iyadoo aan ka weecaneynin wadada nabad raadinta iyo soo nooleynta qarannimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed iyo in Soomaaliya la gaarsiiyo nabad isku tiirsanaan iyo hab dowladeed ku saleysan xoriyaadka Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Nidaamka Dimoqraadiga ah” ayuu mar kale yiri madaxweyne Yuusuf.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in marka la meel mariyo talooyinka Shirweynaha, Soomaaliya loo jeexayo dariiq siyaasadeed oo nabadeed, si qof walba oo Soomaali ah ay ugu qanacdo in aan talada dalkiisa awood lagula wareegi karin, sidoo kalena uu Qofka muwaadinka ah fursad u heli karo in uu talada dalka wax ku yeesho.

 

 “Soomaaliya waxaa loo qorayaa Dastuurkii ay ku dhaqmi lahayd, waxaa dadweynaha Soomaaliyeed laga qaadayaa Afti caam ah, taasi oo lagu weydiin doono in ay raali ka yihiin dastuurka, waxaa la sameynayaa tirakoob, si loo ogaado tirada shacabka Soomaaliyeed iyo meelaha ay kala joogaan, Soomaaliya waxaa loo qabanayaa Nidaam Federaal ah oo leh Dowlad-goboleedyo iyo Dowlad Dhexe oo si dastuuri ah u kala qeybsada Maamulka, Awoodda iyo Kheyraadka dalka, waxaa dalka loo furayaa Nidaamka Xisbiyada badan, mase rajeynayo in uu noqdo nidaamkii 80ka ama 90-ka Xisbi ahaa ee 1969-kii jiray oo kale, intaas markii la qabto oo Midnimadii iyo Sharaftii Umadda Soomaaliyeedna la soo celiyo waxaa la qabanayaa Doorasho caam ah oo madax bannaan, dowladduna ay markaas xukunka ku wareejiso ciddii aad doorataan”

 

“Waxaan la yaabannahay iyadoo wax walba sidaas la idinku salaxayo in ay idinku jiraan qaar weli xabad la ordaya oo dagaal doonaya oo raba in ay xoog wax ku qaataan, dadka xoog doonaya in ay wax ku helaanow haddaad wax isku heysaan doorashaa la qaban doonaaye shacabka Soomaaliyeed kalsoonidiisa hela” ayuu mar kale madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in uusan arkeynin wax qof Soomaali ah ku qasbi kara in uu sii wado dagaal aan natiijo iyo macne toona lahayn.

 

Sidoo kale waxaa ka hadlay xafladdii xiritaanka shirweynaha Ra’iisal Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay sharaf u tahay in uu soo gebageboobay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

“Guusha u soo hoyatay Soomaaliya ma ahan mid iska timid ee waa mid ku timid Shacabak rabitaankiisa, Dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, dadaalka Shir guddoonka iyo Boqorrada Soomaaliyeed ee meelaha fog fog ka soo safray ay wadaagaan, waa taariikh in 45 cisho uu ku soo gebageboobay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyadoo lagu gaaray tallooyin iyo go’aanno dhaxal-gal ah oo ay u aayi doonto Ummadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi.

Halkan ka dhegeyso Khudbadda
Ra’iisal Wasaare Geeddi

 

Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa uu sheegay in ay marag ma doonto tahay in shacabka Soomaaliyeed ee Wadaniga ah haddii uu isku duubno oo uu caloosha isu xaaro uu gaari karo guulaha uu isagu leeyahay, isagoo caddeeyay in haddii aaney Shacabka Soomaaliyeed iyagu wax qabsan aysan jirin cid wax u qaban karta.

 

Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayuu sheegay Ra’iisal Wasaare Geeddi in uusan dhamaanin, isla markaana la sii wadi doono min Heer Dowlad Goboleed, Tuulo, Degmo ilaa Gobol, isagoo caddeeyay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed diyaar u tahay in ay fuliso natiijooyinka ka soo baxa shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

“Mudanayaal iyo Marwooyin, Dowladda Federaalka Soomaaliya Waddo cad bey ku socotaa oo dastuuri ah, himilooyinka laga sugayana waxay ku saleysan yihiin Xukun Wanaag, muhiimadda koowaadna waxaa la siiyay Augidda Amniga, Kobcinta Dhaqaalaha iyo Sare-u-qaadida Adeegyada Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Geedi Socodka Siyaasadeed oo aan hubo in aad halkan uga doodeen waxaa uu ku socdaa sida Axdiga ku qoran Aftida Dadweynaha ayaa la weydiinayaa waxa ay rabaan, Geedi Socodkaas waxaa ku qoran in la tira-koobo Dadweynaha Soomaaliyeed, la isma baran la isma yaqaano dadka in la  tira-koobo Axdiga Federaalka ah ayay ku qoran tahay, waxaa kale oo ku qoran dhismaha Dowlad Goboleedyo, Abuuritaan Xisbiyo Siyaasadeed, Dhisme Guddi Doorashooyin oo madax banaann iyo in Dalka u gudbo Doorashooyin Xor ah ee Hoggaanka Qaranka Soomaaliyeed shacabka isaga uu doorto”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Geeddi oo in labada sano ee u hartay ee Dowladda Federaalka ay u taallo howl culus oo ay mudan tahay dib u dhiska dalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntiina waxaa xafladdii xiritaanka ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe), wuxuuna mahadcelin uu u jeediyay Guddiga maamulayay Shirka Dib u heshiisiinta kadib uu carrabka ku dhuftay in uu si weyn uga xun yahay in shir lagu dhabar jebinayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed lagu qabto dalka dibaddiisa, wuxuuna kula taliyay dadka shirkaas wada in ay ka waantoobaan in ay Dadka Soomaaliyeed u horseedaan wax aan jirin.

 

Wuxuu guddoomiyaha Baarlamaanka u mahadceliyay Dowladihii dhaqaalaha ugu deeqay shirka iyo Dib u heshiisiinta iyo kuwii sugayay Ammaanka Shirka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Ummadda Soomaaliyeed raali ka tahay kaalmada ay Dowalddahaas ka geysteen sidii uu u guuleysan lahaa shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, isagoo Soomaalidana ugu baaqay in ay is-cafiyaan, kana shaqeeyaan Maslaxadda, Adkeynta Nabadgelyada iyo Horumarinta dalka, si looga soo kabsado dhaawacyadii iyo burkii dadka iyo dalka gaaray.

Halkan ka dhegeyso Khudbadda
Guddoomiyaha Baarlamaanka

 

“Waxaan u soo jeedinayaa Soomaalida inteeda ka maqan shirka ee wax ku raadinaya in la is-dilo, dhiig walaalo la daadiyo si sharci darro ah in ay ka soo qeybgalaan dhameystirka Shirka, annaga oo diyaar ula ah tanaasulaad iyo wanaag”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe.

Dhegeyso Fikrado ay dhiibanayaan
Ergooyinkii Shirka ka qeybgalay

Daawo Sawirrada Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed
 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).