13.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Madaxwaynaha Puntland oo shuruudo ku xiray Qofka ka mid noqonaya Golaha Deegaanka Boosaaso

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, August 31, 2007(HOL): Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka  Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Jen Cadde) ayaa soo saaray wareegto ku wajahan Golaha Deegaanka ee Degmada Boosaaso  ee la filaayo in dhowaan la soo dhiso kadib markii la kala diray kuwii hore.

 

Wareegtada Madaxwaynaha oo  si toos ah loogu socodsiiyay wasaarada Dowladaha hoose iyo Horumarinta Gobollada ayaa lagu caddeeyay qodobo dhowr ah oo shuruud looga dhigay Qofka ka  mid noqonaya Golaha Deegaanka Boosaaso.

 

Qodobada uu Madaxwaynuhu Shuruuda uga dhigay ayaa ahaa sidan:

 

1-In uu leeyahay ugu yaraan aqoon waxbarasho oo dugsi sare  gaarsiisan ama waayo-aragnimo u dhiganta

 

2- In aanay maxkamadi  horay xukun ugu ridin oo uusan wax danbi ah dalka ka gelin

 

3- In aanu ka mid ahayn shaqaalaha Dowlad Goboleedka Puntland

 

4- In aanu ka mid ahayn xubnihii hore ee Golaha Deegaanka ee la kala diray

 

5- In Shakhsiyaadka ay noqdaan Dad Dhaqaale ahaan isku filan nolol maalmeedkooduna aanu ku xirmin D/Hoose (waxaa muhiimada la siinayaa Ganacsatada,Aqoonyahanada, Garyaaqanada)

 

6-in aanu  ka mid ahayn Urur Siyaasadeed Ama Diineed

 

7- Doorashadu waa in ay ku qabsoontaa xilligii loogu tala galay

 

Isku soo wada duuboo Deegaanada Puntalnd waxaaa ka jira ku dhowaad 20 Degmo oo leh Nidaamka is-maamulka dadwaynaha Golayaasha Deegaanka walow markii dambe uu muran iyo is qabqabsi ka dhexdhashay qaarkood taasi oo Madaxwaynaha awood u siinaysa in uu kala diro Golihii Shaqadooda loo bogi waayo.

 

Maxamed Axmed (Ilka-case)

ilkacase2010@hotmail.com

Bosaso, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).