13.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo la soo gebagebeeyay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 30, 2007(HOL):  Shirka Dib u heshisiiinta Soomaaliyeed ee dhawaanahan ka socday Xaruntii Gaadiidka Booliska ayaa maanta lagu soo gebagebeynayaa Magaalada Muqdisho, iyadoo xafladdii lagu soo gebagebeynayayna ay ka qeybgaleen mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka iyo wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Wadamada Daneeya Arrimaha Soomaaliya, gaar ahaana dalalka Talyaaniga Norway iyo Belgium.

 

Sidoo kalena wasiirro ka socda Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa xaadir ku ah xafladda xiritaanka shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in ay ergooyinka hadal u jeediyaan, isla markaana ay u sheegaan sida ay u dhibeyso dhibaatada ka dalka Soomaaliya oo deris la ah Dalalka Itoobiya iyo Kenya.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’iisal Wasaare Geedi, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe), Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Francois Lonseny Fall iyo xubno kale oo ka socda Beesha Caalamka ayaa ka qeybgalay xafladda lagu soo gunaanadayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Ammaanka goobta uu shirka u ka socdo iyo weliba xaafadaha u dhow dhow ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana waddo kasta oo gasha xaruntii Gaadiidka Booliska ee Degmada C/Casiis lagu arkayaa ciidamo isugu jira Soomaali, Itoobiyaan iyo AMISOM, kuwaasi oo gebi ahaanba joojiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka.

 

Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta ka socota Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dalalka Daneeya Arrimaha Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ergooyinka u sheegaan in ay dib u heshiisiinta ka sii wadaan deegaanadii ay ka yimaadeen Min Tuulo, Degmo ilaa Gobol.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).