13.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Waddooyinka Muqdisho oo laga joojiyay isu socodka Gaadiidka iyo Dadka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 30, 2007(HOL): Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu soo daadiyay Ciidamo tiro badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo gebi ahaanba joojiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka.

 

Sababta Ciidamadan loogu soo daadiyay Waddooyinka Muqdisho ayaa la sheegay in ay la xiriirto adkeynta Nabadgelyada Muqdisho, iyo iyadoo maanta la soo gebagebeynayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee mudada bil iyo barka ah ka socday Magaalada Muqdisho.

 

Waddooyinka Muqdisho ayaa badankood waxaa lagu arkayaa Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo dadka iyo gaadiidkaba ku amraya in ay dib ugu noqdaan xaafadahooda, waxayna taasi dad badan ku kaliftay in aysan saaka shaqo tegin oo ay guryahooda iska joogaan.

 

Ciidamadan tirada badan ee la soo dhoobay Waddooyinka Muqdisho ayaa waxay waddooyinka soo fariisteen shalay gelinkii dambe, xiligaasi oo ay bilaabeen in ay dadka maqribnimadii guryaha ku xareeyaan.

 

Dad badan ayaa saakay la arkayay iyagoo ka cabanayay Ciidamada lagu soo daadiyay Waddooyinka Muqdisho, iyagoo ku cabanayay in nabadgelyo darro heysatay ay ugu sii darsantay shaqo joojin.

 

Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee maanta lagu soo gebagebeynayo magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay qudbooyin u jeediyaan ergooyinka ka socda Beelaha Soomaaliyeed ee mudada 45-ka cisho ah ku shirsanaa Xaruntii Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xaafado u dhow Xarunta lagu soo gebagebeynayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa markii shirka  la furayay waxaa lagu garaacay Madaafiic Hoobiyayaal ah, weliba xili ay socotay Khudbad uu jeedinayay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, sababtaas darteed ayaana la sheegayaa in maanta loo xiray waddooyinka magaalada Muqdisho, si aan mar kale xarunta shirka madaafiic loogu tuurin ama aan loo carqaladeyn Xafladda Xiritaanka Shirka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).