13.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Iska hor-imaadyo hubeysan oo xalay Muqdisho ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 30, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay iska hor-imaadyo hubeysan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Xalay fiidkii ayaa wuxuu iska hor-imaadkii ugu horeeyay ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan, gaar ahaana inta u dhaxeysa Isgoysyada K.P.P iyo Al-Baraka, iyadoo iska hor-imaadkaasna uu u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Sidoo kale iska hor-imaad kale ayaa wuxuu ka dhacay Agagaarka Warshaddii Barafuunka ee Degmada Heliwaa, halkaasi oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dhowr madfac ayaa ciidamada Dowladda ee halkaas degan lagu tuuray, sida ay ku warameen dad degan nawaaxiga halka uu iska hor-imaadka ka dhacay.

 

Magaalada Muqdisho ayaa marka habeenkii la gaaro waxaa ka dhaca weerarro u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, iyadoo weerarradaasina ay dadka si weyn u cabsi geliyaan waayo qofkii ay waxyeello ka soo gaarto rasaasta iyo madaafiicda ay labada dhinac isu adeegsanayaan ma jirto meel habeenkii la geyn karo sabab la xiriirta in magaalada ay weli bandow ku jirto.

 

Ugu dambeyntiina, iska hor-imaadyadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo la sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka la geliyay heegan sare, kaasi oo ay ku soo xigaan Howlgallo ammaanka lagu sugayo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).