Arbaco,
Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta ayaa sheegay in ergooyinka ay dib u heshiisiinta ka sii wadi doonaan gobollada ay ku noqonayaan, inkastoo ergooyinka qaarkood ay codsadeen in aan shirka la soo af-jarin oo waqti kale lagu sii kordhiyo, si ay isula sii meel dhigaan qodobaddii shirka looga hadlay, isla markaan ay isu sii bartaan.
Guddoomiyaha Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed oo maalintii shalay ahayd ka soo laabtay socdaal uu ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu sheegay in dhaqaalihii shirka loogu talagalay ay caqabad ku noqdeen warbixinno uu sheegay in ay Hay’adaha Deeqaha bixiya u direen sida uu yiri Dad ka soo horjeeda Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Cali Mahdi waxaa uu sheegay in dadaal dheer kadib ay ku guuleysteen in ay Hay’adaha Deeqaha bixiya ka shubaan wixii lagu shubay, isla markaana la bixin doono dhaqaalihii ay Beesha Caalamka ugu talagashay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furmay 15-ka bishii hore ayaa wuxuu ku soo af-jarmay muddo bil iyo bar ah, iyadoo mudadii uu socdayna ay ergooyinka ka doodeen ajendayaal dhowr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen in ay Ergooyinka metalayay Beelaha Soomaaliyeed ay iska cafiyaan wixii dhibaato ahaa ee kala gaaray iyo weliba qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen qeybsiga Awoodda iyo Kheyraadka Dalka, Xagjirnimada Diimeed, Midnimada Dalka, Diyaarinta Doorashooyin xor ah, Dowlad-wanaagga iyo Dimoqraadiyadda.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee maalinta berri ah lagu soo gebagebeynayo Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ahaa shirkii ugu horeeyay oo dalka gudahiisa lagu qabto tan iyo wixii ka dambeeyay markii la riday Dowladdii hore ee uu madaxweynaha ma ahaa Maxamed Siyaad Barre.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






