Arbaco,
Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed u qaabilsan xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa sheegay in dadweyne degan halka Miinadaas lagu aasay ay Ciidamada Booliska ku soo wargeliyeen, kadibna ay sidaas ku suurtagashay in ay Miinadaas meesha ka saaraan.
C/waaxid Maxamed Xuseen ayaa intaas ku daray in ay Ciidamada Booliska sidoo kale ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmada Heliwaa iyo weliba Suuqa Xoolaha, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay howlgalladaas ku soo qabqabteen Dad la tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen Weerarro qaraxyo watay oo dhawaanahan lagu qaadayay fariisimo ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Xaafado Degmada Heliwaa.
Dhanka kalena, Afhayeenka Ciidamada Booliska waxaa uu sheegay in habeenkii xalay ahaa agagaarka Hotel Laf-weyn lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, balse ka howlgelayay Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, isagoo caddeeyay in ay Askarigaas toogteen rag hubeysan oo markii ay dileen kadib baxsaday.
Sidoo kalena, labo ruux oo rayid ah ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyadoo labadaas ruux markii la dilayay loogu galay gurigooda, waa sida ay ku warameen dad goob-joog u ahaa dhacdadaas.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka dhaca dilal loo geysto dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo weliba saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo dilalkaasna ay bilowdeen kadib markii ay Dowladda Federaalka la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






