13.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Weerar bambaano oo lagu qaaday Hotel Manchester ee Magaalada Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, August 28, 2007(HOL): Weerar Bambaano ayaa xalay  fiidkii lagu qaaday Hotel  Manchester ee magaalada Baydhabo, kaasi oo ay dagan yihiin Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Somaaliya.

Seddex Bambaano ayaa Hotelka lagu tuuray, kuwaasi oo labo ka mid ah ay qarxeen, halka Bamkii kalena gudaha Hotelka laga qaaday isagoo aanan qaxin, waxaa sida ay Hiiraan Online u sheegeen Dad goob-joogayaal ah.

 

Qaraxaas ayaa  markuu dhacay kadib ayaa waxaa Hotelka tegay  Ciidamo Boolis ah  oo xaafadaha ku hareeraysan Hotelka  baaritaan ka bilaabay.. qaraxani oo ah mid saameyn ku yeeshay dadkii deganaa hoteelka iyo weliba  dadkii macaamiisha la ahaa ee ka cunteynayay ayaa waxaa la soo deristay cabsi ah in Hotelka mar kale lagu soo qaado weerarro kale.

 

Ugu dambeyntiina, ma ahan markii ugu horreysay oo bam gacmeed lagu weeraro Hotel ku yaala magaalada Baydhabo oo ay dagan yihiin Xildhibaano ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, waxaana horay Bambooyin loogu tuuray Hotel lagu magacaabo Teesey oo isla magaaladaas ku yaala.

 

Abshir Maxamed Nuur (Mandeela)

abshir_39@hotmail.com

Baydhabo, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).