Talaado, August 28, 2007HOL): Guddoomiyaha Golaha Shuurada Maxkamadihii Islaamka Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka dhacaya Magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan Ciidamada Itoobiya oo sida uu yiri ku soo duulay dalka Soomaaliya.
Shiikh Xasan Daahir waxaa uu sheegay in dhibaatooyinka dhacaya ay isugu jiraan kuwo ay sameynayaan dad is-difaacaya iyo kuwo ay geysanayaan cadawga ku soo duulay oo uu sheegay in ay dadka barakaciyaan, dilaan, jir-dilaan, xabsina geliyaan.
Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ay dadka dhibaato u geystaan, marka weerarro loo geysto, isagoo caddeeyay in hubka ay ridayaan Kooxaha wax iska caabinta aysan dhibaato ka soo gaarin dadka rayidka ah, “Dadka la dagaalamaya Cadawga waa ay yaqaanaan meesha ay hubka ku ridayaan, Shacabkana Hub kuma tuuraan, balse waxa hubka ku tuura waa Ciidamada Cadawga ah”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo u waramayay Idaacadda VOA Laanteeda Afka Soomaaliga.
Guddoomiyaha Golaha Shuuradaha Maxkamadihii waxaa uu carrabka ku dhuftay sida uu xalka ku imaan karo, wuxuuna sheegay in ay dadka Soomaaliyeed heshiis karaan haddii uu ka dhex baxo cadawga ku soo duulay, “Soomaaliya Waa Dad heshiin kara, waa Dad is-yaqaana, Waa Dad Hal qoys ah, Haddii uu Cadawga ka dhex baxana waa ay heshiin karaan”ayuuna yiri Shiikh Xasan.
Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu maamulka Maxkamadihii Islaamka ka fogeeyay hadal uu sheegay Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, xiligii ay talada hayeen Maxkaamdihii Islaamka, kaasi oo ahaa in ay Maxkamadaha weerarayaan Addis Ababa, wuxuuna Shiikh Xasan hadalkaas ku tilmaamay mid ku keli ahaa Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde oo sida uu yiri xiligaas dagaalka ku jiray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






