Lund (Sweden). Maalintii labaad ee shir-sanadeedkii Geeska Afrika ee magaalada Lund ee dalka Sweden waxaa looga hadlay arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya. Waxaa dood dheer oo arrimahaas ku saabsan ay dhexmartay safiirka dalka Itoobiya u fadhiya dalka Sweden oo lagu magacabo Mr Dina Mufti iyo Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee caanka ah.
Safiirka Itoobiya ayaa ku dooday in soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya ay tahay shacri, wuxuun sabab uga dhigay in maxkamaduhuna ay qatar ku ahayeen Itoobiya iyo in ay casumaad ka heleen dowladda ku meel gaarka (TFG) Soomaaliya.
Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku dooday in maxkamadaha islaamigu aysan marnaba gelin dalka Itoobiya, sidii ayay haddaba ugu ahayeen qatar dalka Itoobiya ayuu ku dooday. Prof Samatar wuxuu kaloo ku dooday in TFG aysan weligeed noqonin dowlad sharci ah oo Soomaaliyeed, waayo waxaa soo dhisay dowladda Itoobiya. Wuxuu intaas ku daray in dowladda Itoobiya ay jebisay qaraaradii iyo go’aanadii Qaramada Midoobay. Isaga oo ku dooday in sababta ay u shaqeyn la’ dahay ay tahay in aysan rabin in ay dhageysato shacabkeeda, waayo waxay amar ka qaadataa dowladda Itoobiya. Waxaa shirka looga hadlay xasuuqa ay ciidamada Itoobiya ay u geysteen shacabka Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale Prof. Samatar ka jeediyey shirka cashar aad loo dhageystay oo uu ku bilaabay hees wadani ah oo gobanimadoon ah. Casharka uu soo jeediyey wuxuu ku saabsanaa kala fogeynta siyaasadda iyo qabiilka, iyo sida dagaalka ciidamada Itoobiya ay u argagixiyeen shacabka Soomaaliyeed. Prof Samatar waxa uu soo qaatay in xalka Soomaaliya uu ku jiro islaamida.
Waxaa kaloo shirka looga hadlay doorka ay ururada bulshada rayidku ay ku leeyihiin nabadd iyo dibudhiska dalalka Geeska Afrika sida Soomaaliya. Waxaa uu shirku isku raacay in ururada bulshada rayidka ee Soomaaliya ay door muhiim ah ka ciyaareen arrimaha waxbarashada carruurta, caafimaadka, nabadda iyo dibuheshiisiinta.
Waxaa kaloo shirka ka hadlay Dr Zakariye Maxamuud oo ka mid ah baarlamaanka xorta ah ee fadhigoodu yahay Asmara. Dr. Zakariye waxa uu nuuxnuuxsday in ay dalka Soomaaliya uu ku jiro xaalada gobanimodoon ah, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed ay iska xoreyn doonaan ciidamada Itoobiya. Waxaa sidoo kalo shirka ka hadlay C/casiis Maxamuud Maxamed oo ah ergayga uu soo dirsaday madaxweynaha TFG-da C/laahi Yuusuf Axmed. C/casiis Maxamuud waxa uu ka hadlay nidaamkii lagu soo dhisay TFG iyo dibu heshiisiinta hadda ka socota Muqdisho.
Waxaa shirka lagu soo gabagabeeyey dood ku wajahneyd xallinta arrimaha iyo khilaafka Geeska Afrika, dooddaas oo ay ka qeyb qateen safiirada Geeska Afrika ee ka soo qeyb galay shirka. Waxaa laga doodday khilaafka Eritereeya iyo Itoobiya, gobolka Daafuur, iyo Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waxaa soo diyaariyey warbixintaan.
Liibaan Daahir Nuur & C/laahi Cilmi M.










