11.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

GACMA-DHEERE: “Dowladdu waxay kaga saaraysaa Muqaawamada Muqdisho muddo saddex Asbuuc ah”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 23, 2007(HOL): Shir Jaraa’id oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) uu ku qabtay Magaalada Nairboi ayuu sheegay inay damacsan yihiin inay kaga bixiyaan Muqdisho kooxaha dowladda kasoo horjeeda ee Muwaaqamadaha muddo 21-casho ah ama saddex isbuuc.

 

Gacma-dheere, ayaa sheegay in dowladdiisu ay tababar u soo gabagabeysay ciidammo gaaraya 4500, kuwaasoo loogu talogalay inay howshaan qabtaan, isagoo caddeeyay in howshaan ay tahay mid ay dowladdu soo wadday ka baaraandaggeeda muddo dheer.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa ku eedeeyay dagaallada ka socda Muqdisho inay wadaan kooxaha ka haray Maxkamadihii Islaamiga ahaa oo aad u yar weliba ku dhuumaaleysanaya xaafadaha Muqdsiho qaarkood.

 

“Waxaan wax badan ka shaqeynaysay sidii ay ku xasilin lahayd Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaan diyaarinnay ciidammo, waxaana diyaar u nahay inaysan nala dhaafin qorshaha aan kaga saarayno magaalada kooxaha dowladda xilli aan doorannay ee 21-ka maalmood ah” ayuu yiri Gacmadheere.

 

“Laba qaab ayaa ku wadnaa inaan dalka oo dhan amaan kaga dhalinno, hannaan waa midka shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda Muqdisho, halka hannaanka kalena uu yahay mid aan ku doonayno inaan kula dagaalanno kooxaha dagaallada wada” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere).

 

“Dowladdu iyadaa mas’uul ka ah nabadda dalka oo dhan, waxayna isku diyaarinaysaa wixii hadda ka dambeeya inay iyadu hanato ammaanka dalka” ayuu u sheegay wariyeyaashii uu shirka jaraa’id ku qabtay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) oo haatan ku sugan Nairobi.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).