11.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

Maamulka Gobolka Bay oo sheegay in maxkamad la soo taagayo guddoomiyeyaasha degmooyinka Buur-Hakaba iyo Diin-soor

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 23, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Bay Xaaji Maxamuud Maxamed Barbaar ayaa saxaafadda u sheegay in gudoomiyeyaasha Degmooyinka Buur-hakaba, Diinsoor iyo Qansaxdheere oo ay soo xireen ciidamadda Dowladda maanta Maxkamad la horgeyn doono si loogu qaado dambigooda.

 

Xaaji Barbaar, wuxuu sheegay in guddoomiyeyaashaan loo haysto inay lunsadeen lacago canshuuraad ah oo ka soo xarooday degmooyinkooda, isla markaana lagu wado in sharciga lala tiigsado, laguna xukumo musqmaasuqa ay sameeyeen.

 

Wuxuu sheegay guddoomiyaha Gobolka Bay in lacagta ay lunsadeen uusan hadda doonayn inuu saxaafadda u sheego, balse laga sheegi doono maxkamadda horteeda, isla markaana ay saxaafaddu halkaas ka xigan doonto.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in sidoo kale guddoomiyeyaal kale oo ka tirsan kuwa gacanta ku haya Degmooyinka Gobolka qaarkood ay iyagana ku socdaan baaritaanno lagu doonayo in lagu xaqiijiyo xisaabaadka ay maamulka u soo gudbiyeen ee canshuuraadka ah, waxaana carrabka lagu dhuftay inuu ka mdi yahay guddoomiyaha Degmada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay Axmed Maaddeey Isaaq.

 

“Dambiilayaasha, waxaa lagu haystaa lacag, balse ma doonayno inaan idiin caddeyno ka hor inta sharciga laga geynayo, waxaanse idiin caddeynaynaa inay lunsadeen lacago canshuuraad ah” ayuu carrabka ku adkeeyay Xaaji Barbaar, guddoomiyaha Gobolka Bay oo Baydhabo ku sugan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).