12.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

C/FITAAX SHAAWEEYE: “Waxaan Degmada Dayniile ka soo qabanay kooxo lug ku lahaa dagaallo xalay ka dhacay Muqdisho”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 22, 2007(HOL): C/fitaax Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweeye oo ah ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dad badan u soo qabqabteen dagaal xalay ka dhacay waddada Warshadaha.

 

“Ciidamada Booliska waxay soo qabqabteen dad lagu tuhmayo inay qayb ka ahaayeen dagaal xalay ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan wadada Warshadaha, waxaana ka soo qabannay guryahooda iyo goobo kale oo ay ku sugnaayeen” ayuu yiri C/fitaax Shaaweeye oo intaas ku daray in ay wadaan baaritaanno lagu hubinayo dembiyada ay dadkaas galeen.

 

C/fitaax Shaaweeye waxaa uu caddeeyay in Booliiska Dowladda ay sameeyeen baritaankaan, kaddib markii ay heleen xog ay ku duuli karaan, isagoo carrabka ku dhuftay in ay howlgal kadib ku guuleysteen in ay soo qabtaan dadkaas.

 

Sidoo kale, ku xigeenka Duqa Magaalada  wuxuu canaan u soo jeediyay saxaafadda ka howlgasha Muqdisho, isagoo ku canaantay inaysan u shaqeyn sidii laga doonayay, “Saxaafaddu waa inay ka fiirsato sida ay u shaqeyso, dhowr jeer oo horena waan idiin sheegnay sidaas” ayuu yiri C/fitaax Shaaweeye oo sheegay in saxaafaddu ay u shaqeyso si aan wanaagsaneyn.

 

Dorraad ayay ahayd markii Maxamed Dheere uu ku eedeeyay saxaafadda in ay u shaqeyso si ka soo horjeeda sharciga saxaafadda caalamiga ah, isla markaana ay ku soo oogaan dhibaatadii dhacda oo dhan Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir, balse aysan sheegin dhibka ay geysanayaan kuwa ka soo horjeeda Dowladda ee dhibaatada sameynaya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).