12.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

Dowladda Kenya oo sheegtay in ay Safaarad ka furaneyso Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 22, 2007(HOL): Ku-simaha Safiirka Kenya ee Dalka Soomaailya Mr. Ken Vitisia oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladdiisu ay safaarad ka furanayso dalka Soomaaliya.

 

Mr. Vitisia, ayaa sheegay in dowladdiisu ay go’aansatay in ay Soomaaliya ka furato safaarad, isagoo dhanka kale sheegay, in toddobaadka soo socda ay noqon doonto marka loo qabanayo xaflad furitaanka Safaaradda Kenya ee gudaha dalka Soomaaliya.

 

“Waxaa lagu waday in shalay laga furo safaafadda dalka Kenya ee Soomaaliya Magaalada Muqdisho, balse waxaa yimid dib u dhac, sidaas darteed waxaan qorshaynaynaa inaan furno toddobaadka soo socda” ayuu yiri Mr. Ken Vitisia oo intaas ku daray inay noqon doonaan Dowladda saddexaad oo si rasmi ah uga furata Soomaaliya safaarad, isagoo sheegay inay ka horreeyeen oo qura Yemen iyo Itoobiya.

 

Dhanka kale; Mr. Ken Vitisia, ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatada ay ku jiraan saxafiyiinta Soomaaliyeed ee isugu jira dilalka, handadaadaha iyo xarigga lagula kaco, wuxuuna daboolka ka qaaday inay tacsi guud u dirayaan saxaafadda Soomaaliyeed.

 

Ku-simaha Safiirka Kenya ee Dalka Soomaailya Mr. Ken Vitisia oo tacsi u diray qoyskii iyo eheladdii ay ka geeriyoodeen Mahad Axmed Cilmi iyo Cali Iimaan Sharma’arke oo dhawaan Muqdisho lagu dilay ayaa dhanka kale wuxuu ugu baaqay Saxafiyiinta  in looga  baahan yahay inay feejignaan dheeraad ah ay u yeeshaan howshooda oo xilligaan aan ahayn mid sidii ay doonaan ay u gudan karaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).