Arbaco, August 22, 2007(HOL): Xubin ka tirsanaa Golihii Shuurada ee Maxkamadihii Islaamiga ahaa Macallin Xaashi Maxamed Faarax oo sheegay inuu ku sugan yahay Muqdisho ayaa sheegay in wax hub ah uusan uga imaan dalka Eritrea, isagoo sheegay in hadalkaas uu yahay mid aan ka imaan maskax fiyoobi qabta.
“Dalka
Macallin Xaashi ayaa sheegay in hadalka ka soo baxay dalka Mareykanka uu yahay mid aan si dhab ah loogu fiirsan, isla markaana u muuqda mid la iska yiri, isagoo sheegay inuu caddeynayo in aysan ka soo gaarin dhanka dalka
Mar uu ka hadlayay Dowladda Federaalka ayuu sheegay Macallin Xaashi Maxamed Faarax in loo baahan yahay inay madaxda dowladda iska casilaan xilalka ay hayaan, isagoo sheegay n ay ku guuldareysteen in ay dadka iyo dalka hantaan.
“Waxaan ugu baaqaynaa kuwa hoggaanka u haya dowladda inay iska dhigaan hoggaanka, waayo waxay ku guulaysan waayeen inay shacabka kasbadaan, sidoo kalena ay ka dhigaan dalka mid nabdoon” ayuu yiri Macallin Xaashi oo dhanka kale gaashaanka ku dhuftay inay rabaan kuraasta ay ku fadhiyaan madaxda Dowladda.
Macallin Xaashi waxaa uu sheegay in dagaallada looga soo horjeedo Ciidamada Itoobiya, kuwa Dowladda Federaalka ay sii soconayaan, isagoo yiri “Hadafkeennu waa inaan dalka ka saarno ciidamada Itoobiya, tan iyo inta ay taasi ka suurogalaysana waan wadaynaa dagaalka, mana joojinayno”.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






