12.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

Xildhibaan Muuse Suudi oo jawaab ka bixiyay dhaleeceyn uu Xildhibaan Xasan Dhimbil u jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 22, 2007(HOL): Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow ayaa si kulul uga jawaabay hadal dhaleeceyn ah oo uu u jeediyay Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Dowladda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Xasan Dhimbil Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

 

Xildhibaan Muuse Suudi oo ka jawaabayay hadal uu ka jeediyay Baarlamaanka Wasiirka Garsoorka iyo Caddaaladda Xasan Dhimbil Warsame ayaa wuxuu sheegay in wasiirka uusan wax shaqo ah ku lahayn wanaagga iyo xumaanta uu sameeyay Maxamed Dheere, isagoo sheegay in uusan isagu u magacaabin jagada uu hadda hayo, sidoo kalena aan laga ansixin jagada Maxamed Dheere uu hayo baarlamaanka.

 

“Maxamed Dheere haddii uu khalad galay iyo haddii kale, waxaa kula xisaabtamaya ciddii u dhiibatay jagada uu hayo, balse ma ahan wax u yaalla Baarlamaanka, waayo baarlamaanka lagama ansixin jagada uu hayo Maxamed Dheere” ayuu yiri Muuse Suudi Yalaxoow

 

Wuxuu sheegay Xildhibaanku in Xildhibaanada Baarlamaanka aysan ka hadli karin hadalka Maxamed Dheere uu jeediyay ee uu ku sheegay in dadka u soo qaxay duleedka Muqdisho ay yihiin argagaxiso, waxa Wasiirka laga rabayna ay tahay inuu sheego dadka halkaas ku soo qaxay waxa ay yihiin, maadaama uu yahay Wasiirkii Caddaaladda iyo Garsoorka dalka oo dhanna uu cadaalad ahaan hoos yimaado.

 

“Xasan Dhimbil waa Wasiirka Cadaaladda, sababta uu noo soo hor-istaagayna ma ahan inuu eedeeyo qof aan annagu jago u dhiiban, balse waxaa laga doonayay inuu noo sharraxo waxqabadka Wasaaraddiisa, waana midda aan halkaan uga fadhinnay, balse waxaa muuqata inuu galay eedeyn dad kale oo aan shaqo ku lahayn baarlamaanka” ayuu yiri Xaaji Muuse Suudi oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, horayna u soo noqday Wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Xasan Dhimbil Warsame ayaa shalay ka sheegay fadhigaya baarlamaanka in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uusan matali karin shacabka Muqdisho, mar haddii uu ku tilmaamay dadkii ka soo barakacay Muqdisho in ay yihiin Argagaxiso, Hay’adaha Caalamkuna ay quudinayaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).