12.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

Guddoomiyayaasha Degmooyinka Diinsoor iyo Buur-Hakaba oo Baydhabo ku xiran

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 22, 2007(HOL): Guddoomiyaha Degmada Buur-hakaba Max’ed Cabdi Xuseen Ow-kaarey iyo Gudodoomiyaha Degmada Diinsoor Cabdi Shiikh oo labadaba ka tirsan Degmooyinka Gobolka Bay ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku xiran yihiin gudaha Madaxtooyada Dowladda Federaalka ee Baydhabo.

 

wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee xarunat Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in guddoomiyeyaasha ay gacanta ugu jiraan ilaalada madaxtooyada iyadoo aysan wax shuqul ah ku lahayn arrinta xiritaanka mas’uuliyiitaas maamulka ka jira Gobolka Bay iyo weliba taliska booliiska Gobolkaas.

 

Ciidammo ka tirsan kuwa ilaalada Madaxtooyada oo ay wehliyaan taliyeyaashooda ayaa la xaqiijiyay in  ay ka soo wadeen Guddoomiyayaasha degmooyinka ay ka talinayaan, isla markaana ay ku soo xireen xarunta Madaxtooyada, iyagoo ka gaabsaday inay wax warbixin ka ah ka bixiyaan sababta ay Mas’uuliyiintaan u soo xireen.

 

Dadweynaha Degmada Buur-hakaba ayaa waxaa la sheegay in ay gadood sameeyeen, markii guddoomiyahooda ay wateen ciidamada, waxaana lagu wadaa in ay maanta sameeyaan isku soo baxyo ay ku muujinayaan xarigga loo geystay Guddoomiyahooda Maxamed Xuseen Cabdi Ow-kaarey.

 

Laakin waxaanan jirin wax war ah oo ay dadka Degmada Diinsoor ka soo saareen xarigga loo geystay gudoomiyahooda, waxaase la sheegay in xalaadda degmada Diinsoor ay tahay mid kacsan xilligaan, iyadoo dadku ay is weydiinayaan sababta dhabta ah ee keentay in xabsiga loo taxaabo guddoomiyaha degmadooda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).