12.6 C
London
Saturday, November 8, 2025

AVV. XASAN DHIMBIL WARSAME: “Maxamed Dheere ma xukumo shacabka Muqdisho, maadaama uu qaarkood ku tilmaamay Al-Qaacidda”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, August 21, 2007(HOL): Wasiirka Cadaaladda Dowladda Federaalka Soomaliya Avv. Xasan Dhimbil Warsame oo ku sugan Baydahbo ayaa ku tilmaamay hadalkii uu shalay sii daayay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ee ahaa in dadka u qaxay deegaannada u dhexeeya Afgooye iyo Muqdisho ay yihiin Al-Qaacida mid aan loo dulqaadan karin, ayna tahay inuu baarlamaanka ka hadlo, isagoo sheegay in Maxamed Dheere uusan xukumin dadka Muqdisho.

 

“Hadalka ka soo yeeray Maxamed Dheere waa mid aan la qaadan karin, waayo dadka uu ku tilmaamayo argagaxiso waa dadkii ka soo cararay dhibaatooyinka dagaallada, qaraxyada iyo dilalka ah ee ka socda Muqdisho, mana ahan hadalkaas mid uu ku hadlo ruux mas’uul ah oo weliba talada ay gacantiisa ku jirto” ayuu yiri Xasan Dhimbil Warsame.

 

Wasiirka Garsoorka ayaa sidoo kale sheegay in Maxamed Dheere uusan matalin shacabka ku sugan Muqdisho, wuxuuna sheegay in nin dadkiisa ku sheegaya Al-Qaacida uusan matali karin shacabka, ayna tahay inuu ka tago xukunka uu u hayo shacabka Muqdisho ku dhaqan.

 

Xasan Dhimbil Warsame, wuxuu hadalkaan ka sheegay fadhiga Baarlamaanka isagoo ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka iyo shir guddoonkaba in laga hadlo hadalka Maxamed Dheere uu ku sheegay in dadka ka qaxay ay yihiin Argagaxiso, baarlmaankuna uu ka gaaro go’aan cad.

 

“Waxaan qabaa in jagada uu hayo Maxamed Dheere laga qaado, waayo ma matali karo dadka Muqdisho, waana nin aan kala aqoon saaxiib iyo cadow” ayuu si kulul u yiri wasiirka Cadaaladda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Hadalka ka soo yeeray Xasan Dhimbil Warsame ayaa wuxuu muujinayaa in xubnaha dowladda iyo kan maamulka Gobolka Banaadir ay ku kala fikir duwan yihiin xaaladda dalka ka jirta, waxayna tani ay caddeynaysaa in khilaaf xooggan uu ka dhex jirto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).