Talaado,
Nabaddoon Cismaan Afraxoow oo ka mid ah nabaddoonnadii maanta ka qaybgalay kulanka ayaa sheegay in dagaallada u dhexeeya Beelaha Xawaadle iyo Mursade ay yihiin kuwo nasiibdarro ah, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in Malleeshiyooyinka dagaallamaya ay joojiyaan dagaalka.
Cuqaasha maanta kulanka isugu yimid ayaa waxay sheegeen in dagaalkaas uu yihiin kuwo salfaday nolosha dad badan, isla markaana sii socoshadiisu ay tahay mid aan xilligaan u wanaagsanayn shacabka gobolladaas ku dhaqan ee walaalaha ah, balse loo baahan yahay in gunta loo xirto joojinta dagaalladaas foosha xun.
“Walaalayaal, waxaad ogaataan in dagaalladaan ay yihiin kuwo sababaya dhimasho iyo dhaawac, balse aan ahayn kuwo wax soo kordhinaya, waxa aad u dagaalamaysaanna aad ogaataan inay tahay adduunyo muddo yar la jooga oo laga tagayo” ayuu yiri Nabaddoon Afraxoow.
Dagaalladaan ayaa waxay billowdeen toddobaadkii la soo dhaafay horraantiisa, waxaana ku dhintay qiyaastii 50-qof oo qaarkood si gaadmo ah ay isaga dileen beelaha dagaalamaya, halka dadka qaarkiisna ay ku dhinteen dagaallo fool ka fool ah oo dhex maray Malleeshiyooyinka beelahaas.
Baaqyo kala duwan ayay beelaha kale ee Soomaaliyeed u direen beelaha ku dagaalamaya inta u dhexeysa Degmada Maxaas oo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo Tuulada Wabxo oo ka tirsan Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galguduud.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






