14.1 C
London
Saturday, November 8, 2025

Ergooyinka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo saxiixay Afar Qodob oo lagu heshiiyay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, August 21, 2007(HOL): Ergooyinka shirweynaha dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee ku shirsan Xarunta Gaadiidka Booliska Degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho ayaa maanta markii ugu horeysay qalinka ku duugay heshiisay ka gaareen qaar ka mida qoddobadii shirweynaha la soo hordhigay.

 

Ergada ayaa maanta ku guuleysatay saxiixaan qodobadii lagu heshiiyay tan iyo intii uu shirku furmay bartamihii Bishii July, arrintan oo guddoonka shirweynuhu sheegay inay tahay guul weyn oo shirka iyo umadda Soomaaliyeed u soo hoyatay.

 

Tacsi shirka u diray nabad-doon iyo Saxafiyiin lagu dilay Muqdisho

 

Waxaa hadalkii bilaabay Gudoomiyaha Gudiga Shirweynaha Dib heshiisiinta Qaran Md. Cali Mahdi Maxamed oo sheegey inuu shirweynuhu tacsi u dirayo Ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Macallim Haaruun Macalin Yuusuf oo ka mid ahaa ergada Shirweynaha, wuxuu kaloo Cali Mahdi tacsi u diray Madaxdii Idaacadda HornAfrik iyo Capital Voice ee kala ahaa Cali Iimaan Sharma’arke iyo Mahad Axmed Cilmi, isagoo sheegey inuu shirweynuhu aad uga xun yahay dilalka loo geystey Marxuumiintaasi, wuxuuna Alle uga baryey inuu Janadii ka waraabiyo, eheladii ay ka tageenna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Geerida Nabad-doon Macalin Haaruun iyo mas’uuliyiinta kale waxaa iyaguna madasha shirka uga hadlay shan xubnood oo ka kala socday Beelaha Soomaalida, Xaaji Cabdi Iimaan oo ka mid ahaa xubnahaasina wuxuu sheegay in loo baahan yahay inaysan wax saameyn ah ku yeelan ergooyinka shirweynaha falalka nabadgelyo xumo ee ka dhacaya Muqdisho, wuxuuna tacsi u diray ummadda Soomaaliyeed isagoo ka tacsiyadeedyay dhammaan dadka sida macno darrada ah loogu dilayo Magaaladda Muqdisho.

Qodobadii lagu heshiiyay oo la saxiixay

 

Intaas kadib wuxuu shirweynaha u gudbay saxiixa Qodobadii uu hore shirku uga dooday loogana heshiiyay markii beelaha Soomaalida iska arkeen, qodobbada la saxiixay ee shirweynaha ku heshiiyay kana soo baxay maanta si rasmi ah waxay kala yihiin:

 

In laga heshiiyey colaadihii soo dhex maray beelaha Soomaaliyeed.

 

In Hubka la dhigo dowladdana lagu wareejiyo wixii hub ah ee la hayo, ciddii diidana awoodlooga qaado.

 

In Dowladda ku meel gaarka ah ay furto Xarumo lagu dhaqan celiyo maleeshiyooyinka Beelaha.

 

In la isu celiyo Hantida muuqata ee la kala heysto.

 

Afarta Qodob ee lagu heshiiyay waxaa beel waliba u saxiixey wakiillo ay soo magacaabatay, kuwaasoo ay hoggaaminayeen madax dhaqameedyadda Beel kasta ugu waaweyn, marka laga reebo Beesha Digil iyo Mirifle oo la sheegey inay Berito saxiixi doonto qoddobadda taasoo ay ugu wacneyd iyadoo aanay madasha joogin tiradii looga baahnaa inay heshiiska u saxiixdo.

 

Shirweynaha oo Baaq u diray Beelo ku dagaalamaya Gobollada Dhexe

 

Saxiixa Qodobadaasi kadib waxaa uu shirweynuhu baaq nabadeed u soo jeediyey Beelaha Soomaaliyeed ee wallaalaha ah kuna dagaalamaya degaano ku yaalla degmooyinka Maxaas iyo Wabxo oo ka tirsan Goboladda Hiiraan iyo Galgaduud wuxuuna Shirweynaha Beelaha Soomaaliyeed ugu baaqay labadaas Beelood ee dagaaladu dhex mareen inay colaadda joojiyaan dhibaatada dhex taallana ay wadahal ku bedelaan.

 

Dhinaca kale odayaasha waaweyn ee dhaqanka kana qeyb galaya shirweynaha oo ay ka mid yihiin: Iimaan Maxamuud Iimaan Cumar, Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, iyo Wakiilka Ugaaska Murasade Muxudiin Xasan Axmed ayaa baaq nabadeed u jeediyay beelaha jku dagaalamaya Degaanada Maxaas iyo Wabxo, iyagoo madasha shirka maanta ka hadlayay ayay sheegeen inay ku baaqayaan colaad joojin degdeg ah.

 

Guddoomiyaha Shirka dib u heshiisiinta Qaran Cali Mahdi Maxamed oo soo gunaanaday kulankii maanta ayaa ugu hambalyeeyay Beelaha Soomaaliyeed saxiixa qodobadii hore loogu soo heshiiyey, wuxuuna tilmaamay in Berito shirka dib la isagu soo laabto si halkiisa looga sii amba qaado Ajendayaasha shirka hor yaalla.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).