14.1 C
London
Saturday, November 8, 2025

Qaraxyo ay Dad badan ku dhaawacmeen oo Muqdisho ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, August 21, 2007(HOL): Qaraxyo ay Dad badan ku dhaawacmeen ayaa maanta waxay ka dhaceen caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo dadka qaraxyadaas ku dhaawacmay qaarkood ay ahaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Labo Qarax oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo Black Sea ayay dadkaas ku dhaawacmeen, waxaana qarax ka dhacay agagaarka Isgoysk Baar Ubax ku dhaacwacmay afar ruux oo mid ka mid ah uu ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Sidoo kalena Qarax kale oo ka dhacay agagaaraha Isgoyska Black Sea ayaa waxaa uu geystay dhaawaca afar ruux oo kale, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.

 

Qaraxyadaas ayaa waxay ahaayeen kuwo la doonayay in lagu waxyeeleeyo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo aaggaas ku sugnaa, iyadoo qaraxyadaasna la sheegay in ay ka dambeeyeen kooxo ka soo horjeeda Dowlada Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya

 

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka dhacayay qaraxyo loo geysnayo ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo ay sii dheer yihiin weerarro habeenkii lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya.

 

Ugu dambeyntiina Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegaan in ammaanka Muqdisho uu yahay mid soo hagaagaya, isla markaana ay la sii wadayo howlgallada lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).