Talaado,
Qoraalka ka soo baxay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye Garabka Xaad ayaa u qornaa sidan:
Golaha dhaqanka waa gole dhaqan ma ahan gole siyaasadeed, golaha dhaqanka waa gole ka shaqeeya arrimaha nabadda iyo dib u heshiisiinta, goluhu wuxuu ka shaqeeyaa arrimaha dhaqanka iyo daris wanaagga iyo xalinta khilaafaadka ummadda Soomaaliyeed,
Maxamed Dheere waxa uu Warbaahinta ka sheegay in uu leynayo odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye haddii aysan isaga cararin wadanka, waxaana u sheegeynaa Maxamed Dheere in xubnaha golaha dhaqanka aanu ka tagi doonin magaalada Muqdisho inta hal qof uu ka nool yahay.
Golaha dhaqanka iyo midnimada Hawiye Bam ma tuuraan, hadalkaasina waa meel ka dhac iyo marmarsiiyo, isla markaana Max’ed Dheere waxa uu Mas;uul ka noqon doonaa 116 da xubnood ee ka mid ah golaha haddii hal qof uu wax ka noqdo
Golaha dhaqanka waxa uu beesha caalamka la socodsiinayaa in Maxamed Dheere uu warbaahinta kaga dhaartay in uu leynayo xubnaha golaha dhaqanka haddii aysan Asmara Aadin, hadaba waxaan leenahay golaha dhaqanka Hawiye Asmara waxba
Maxamed Dheere waxaa uu hortaagan yahay isla markaana uu caqabad ku yahay isfahamka dowladda iyo shacabka reer Muqdisho.
Maxamed Dheere waxa uu Mas’uul ka yahay xasuuqa, xarigga, barakicinta iyo qafaalashada shacabka reer Muqdisho.
Maxamed Dheere waxa uu Suuq Bacaad ku gubay meel fagaaro ah nin ganacsade ah iyo hantidiisa, arintaasi oo horey aan loo arkin, umadda Somaliyeedna ku noqotey argagax iyo fajac.
Maxamed Dheere markii uu ka soo bixi waayay Mas’uuliyaddiisa waxa uu ku rafanayaa qofkasta oo waxgarad ah oo wax sheega, isla markaana dadka ayuu u diidayaa in ay ka hadlaan dhibaatada ka taagan gobolka Banadir.
Golaha dhaqanka waxa ay uga tacsiyeynayaan bahweynta saxaafadda xorta ah warkii hanjabaadda ahaa ee Maxamed Dheere ugu hanjabay in saxaafadda uu xiri doono, haddii ay ka hadlaan dhibaatada Muqdisho ka taagan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






