14.1 C
London
Saturday, November 8, 2025

Qarammada Midoobay oo sheegtay in ay Soomaaliya u direyso Ciidamo Nabad-ilaalin ah oo bedelaya kuwa AMISOM

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, August 21, 2007(HOL): Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa sheegay inay ciidamo nabad ilaalin ah u dirayaan Soomaaliya, balse ay marka hore codsanayaan in ciidamada Afrikaanka ah ee AMISOM la dhameystiro, lana geeyo gudaha Soomaaliya.

 

Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki-Moon oo ka hadlayay Ciidamo nabad ilaalin ah oo loo diro Soomaaliya ayaa yiri: “Go’aanka Qarammada Midoobay ee ciidamada loogu dirayo Soomaaliya waa mid wanaagsan, waxayna badali doonaan kuwa hadda ku sugan Soomaaliya ee AMISOM”.

 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ciidamo nabad ilaalineed loo dirayo Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka noqda howlaha nabad raadinta ah ee ka socda Soomaaliya, waxaana go’aankaan ka soo baxay UN-ka lagu sheegay in marka hore la xoojiyo ciidammada Afrikaanka ah ee ku sugan gudaha Somalia.

 

Mr. Pascal Gayama oo ah wakiilka u fadhiya dalka Congo Democratic ayaa sheegay in go’aankaan uu gaaray golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay uu yahay mid dhaxalgal ah, balse wuxuu soo jeediyay in ay ka haboon tahay in ciidamo ka socda Qaramada Midoobay loo diro Soomaaliya ay ka haboon tahay in ciidamada jooga ee Afrikaanka ah la xoojiyo lagana taageero dhinacyada dhaqaalaha, tiknikada iyo sidoo kale qalabka ay ku howlgelayaan.

 

Danjire: Francois Lonseny Fall ayaa dhankiisa sheegay in Midowga Afrika uu diyaar u yahay in ciidamo ka socda Qarammada Midoobay ay la wareegaan howgalka nabadeed ee Soomaaliya, isagoo sheegay in loo baahan yahay in Qaramada Midoobay ay diyaariyaan ciidamo badala kuwa AMISOM ee haatan Soomaaliya jooga

 

Dalalka Nigeria, Ghana, Malawi iyo Burundi ayaa laga codsaday in ay geeyaan Soomaaliya Ciidamo ay horay u ballanqaadeen in ay Soomaaliya geynayaan, inkastoo qaar ka mid ah dalalkaas ay sheegayaan in ay heystaan dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalaha ah oo hor-taagan in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).