14.1 C
London
Saturday, November 8, 2025

Muqdisho oo xalay ka deganeyd habeennadii la soo dhaafay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, August 21, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ayaa ka deganeyd habeennadii hore kaddib markii aanay xalay ka dhicin dagaalladii horay uga dhici jiray oo kale, inkastoo meelaha qaar laga maqlayay rasaas aan badnayn Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir.

 

Ciidammada Booliska ee ku sugan Deegaanka SOS ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay rasaas kor u ridayeen, inkastoo rasaasta ay ahayd mid aan geysan wax khasaare ah oo la sheegay, iyadoo dadka deegaankaasna ay sheegeen inay saakay nabad ku waabariisteen.

 

Xaaladda deegaankaas oo ahayd goob ay dagaallo qaraar ka dhaceen habeennadii la soo dhaafay, kuwaasoo isugu jiray hoobiyeyaal, baasuukayaal iyo rasaasta ka dhacda qoryaha kala duwan, oo waxyeello u geystay dadweyne fara badan oo rayid ah, isla markaana madaafiicda iyo rasaastu ay ugu gashay guryahooda.

 

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Bambooyinka gacanta laga tuuro lagu weeraray saldhigga Booliiska Degmada Boondheere, inkastoo aan la sheegin cid wax ku noqotay bambooyinkaas.

 

Dadka deegaankaas ayaa sheegeen in ay maqleen rasaas aad u yar oo ay rideen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Saldhiggaas, hayeeshee aysan jirin wax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ciidamadaas soo gaaray.

 

Ugu dambeyntiina, Dagaallada, Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee inta badan loo geysto dadka rayidka ah ayaa ku soo kordhaya xilliyadii ugu dambeeyay Magaalada Muqdisho, iyadoo falalkaasina la sheego in ay ka dambeeyaan kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).