14.1 C
London
Saturday, November 8, 2025

Saraakiisha Itoobiya oo soo farageliyay khilaaf soo kala dhexgalay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, August 21, 2007(HOL): Kadib markii uu si weyn u soo shaac baxay khilaafka adag ee u dhaxeeya Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Gobalka Hiiraan kasoo ku saleysan Xubno dhawaan Dowladda Federaalka u soo magacaawday Xilalka Maamulka Degmada iyo Ku-xigeenada Gudoomiyaha Gobolka, ayay hadda arrimuhu u muuqdaan mid ay soo faragalinayaan ciidamada Itoobiya.

 

Kulan gaar ah oo ay wada qaateen Saraakiisha Itoobiya ee joogta Magaalada Beleweyne  iyo Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa waxaa looga wada hadlay arimo ku saleysan khilaafka soo baxaya taasoo keentay in ugu danbeytii Sarkiisha Itoobiyaanku ku wargaliyaan Gudoomiyaha in lagu wareejiyo xilalka loo soo magacaabay Xubnaha Cusub.

 

Guddoomiyaha Gobolka Yuusuf Dabageed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan xilalkooda loogu wareejin doono mas’uuliyiinta cusub, waxaana uu  intaa ku daray in aysan jirin cid Kursiga gaar u leh islamarkaana xubnaha la soo magacaabay yihiin Muwadiniin xaq u leh in ay wax xukumaan iyagana la xukumo.

 

Gudoomiyaha oo u muuqda mid la soo saaray cadaadis oo xoog leh ayaa dhanka kale ku booriyay xubnaha xilka laga qaaday in ay ku samraan amarka ka soo baxay Dowladii markii horeba xilka u dhiibtay, islamarkaana hadii wax yaabo ay tirsanayaan maamulku ka qancin doono.

 

Xubnaha loo soo magacaabay xilalkan oo in ka badan Labo Todobaad ku sugan Magaalada Beleweyne ayaan wali lagu wareejin mas’uuliyadii loo soo magacaabay kadib markii ay ku gacan seyreen dhowr jeer oo hore in Munaasabada xil wareejinta ay ka soo qeyb-galaan Xubnaha xilalka laga qaaday.

 

Gobalka Hiiraan ayaa marka la eego la oran karaa waa gobalka ugu badan ee Dowlada Federaalku magacaabis u sameysay tan iyo intii ay jirtay, muranka hada jirana waxaad moodaa in uu yahay mid ka dhashay xubnaha cusub ee la soo magacaabay iyo kuwa xilalka laga qaaday oo aan aheyn magacaabistooda mid hal mas’uul ka soo baxada.

 

C/raxmaan diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).