14.1 C
London
Saturday, November 8, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo Odayaasha Beelaha Hawiye ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, August 20, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo maanta saxaafadda kula hadlayay xarunta Taliska Booliiska ayaa sheegay in qaraxyada iy dagaallada ka jira Muqdisho ay ka dambeeyaan Maxamed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye oo ka tirsan Golaha dhaqanka iyo midnimada Hawiye.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in odayashaas ay ka dambeeyaan dhibaatada ka taagan Muqdisho loona baahan yahay inay faraha kala baxaan arrimaha Muqdisho, haddii kale ay dhibaatada jirta guryahooda ugu imaan doonto, waa sida uu hadalka u yiriye.

 

“Odayaasha Hawiye kuwa sheeganaya ayaa ka dambeeya dhibka ka jira Muqdisho, waayo waxay inta badan dabada ka wadaan dhibaato ka dhacda Caasimadda, waana uga digaynaa” ayuu yiri Maxamed Dheere oo hadalkiisa ay caro ka muuqato.

 

Maxamed Dheere ayaa ku eedeyay odayaashaan inay ka dambeeyaan weerarkii lagu qaaday xaafadda Shibis, markii uu furmay shirka Qaran, ayna ku dileen 5-carruur ah, sidoo kalena ay ka dambeeyeen qarax lagu dilay 5-haween ah oo ka shaqeynayay Nadaafadda gobolka Banaadir.

 

“Ha ogaadaan Axmed Diiriye iyo Maxamed Xasan Xaad, haddii ay ka waantoobi waayaan waxa ay faraha kula jiraan in ay la kulmi doonaan ciqaab adag, sidoo kalena ay dalka ka carari doonaan, iyagoo laabta ku heynaya in kuwa gadaal ka riixaya ay yihiin kuwa ka soo hadlaya dalka Eritrea iyo meelo ka dhaadheer” ayuu yiri Maxamed Dheere.

 

Guddomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Maxamed Dheere ayaa dhowr jeer oo hore ku eedeeyay Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo markaas isku duubnaa inay ka dambeeyaan dhibaatada ka jirta Muqdisho, waxayna dhowrkaas jeer oo hore sheegeen odayaashu in aysan ka dambeynin, iyadoo haatanna aan la ogeyn jawaabta ay ka bixin doonaan eedeynta uu u soo jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).