14.1 C
London
Saturday, November 8, 2025

Ra’iisul wasaare Geeddi oo sheegay in Deegaanka Cagaaran ee Muqdisho laga sameynayo uusan la mid ahayn kan Ciraaq

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, August 20, 2007(HOL): Ra’iisul wasaaraha Sooamaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo wareysi siiyay BBC-da qaybteeda Focus on Africa ayaa sheegay in Deegaanka Cagaaran (Green Zone)  ee laga sameynayo Muqdisho uusan la mid ahayn kan xilligaan ka jira dalka Ciraaq oo kale, balse uu ka duwan yahay.

 

Deegaanka Cagaaran ee laga sameynayo Muqdisho ayuu ku sheegay Prof. Cali Maxamed Geeddi inuusan la mid ahayn kan ka jira dalka Ciraaq, isagoo sheegay in Dowladda Ciraaq ay tahay mid aan gacanta ku wada hayn dalkaas oo dhan, balse ay Dowladda Federaalka iyadu gacanta ku hayso dalka Soomaaliya oo dhan.

 

“Deegaanka caraagan ee laga sameynayo Muqdisho waa mid lagu doonayo in lagu sameeyo goob ammaankeedu heer sarreeyo, waxaan goobtaas imaanaya oo qura dadka doonaya inay naftooda nabadgliyaan, si aysan ugu dhex ugaarsan Magaalada haraadiga Maxakamdaha Islaamiga ah oo dhibaatooyin ka wadaan Muqdisho” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo dib ugu soo laabtay Muqdisho maanta.

 

Mar uu ka hadlayay nabadaglyo darrada ka jirta Muqdisho ayuu yiri Prof. Geeddi: “Waa jirtaa in kooxo kasoo horjeeda Dowladda ay qalalaase ka sameeyaan goobo kala duwan oo ka tirsan dalka, gaar ahaan Muqdisho, kuwaasna Dowladdu waxay u dajisay qorshe ay kaga hortagayso, dhawaan ayaana soo bandhigi doonnaa qorshahaas”

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhinaca kale wuxuu tacsi u diray Qoyskii Macallin Haaruun Macallin Yuusuf oo kooxo hubesyan ay dhawaan ku toogteen gurigisia oo ku yaalla Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay dilkaas inuu ahaa mid lagu doonayo in lagu carqaladeeyo shirka dib u heshiisiint Qaran ee ka socda Muqdisho.

 

Ra’iisul wasaare Geeddi oo safar ugu maqnaa toddobaadyadii la soo dhaafay Magaalada Nairobi ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, isagoo kulamo la qaatay madaxda kale ee Dowladda oo iyaguna ku sugan Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).