14.1 C
London
Saturday, November 8, 2025

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan oo ka badbaday Qarax miino oo gaarigiisa loo dhigay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, August 20, 2007(HOL): Guddoomiyaha Degmada Kaaraan C/llaahi Maxamed Rooble ayaa maanta ka badbaaday Qarax miino oo gaarigiisa lagu qarxiyay, kaasi oo la sheegay in uu  ahaa mid lagu doonayay in lagu dilo Guddoomiyaha, sida uu saxaafadda u sheegay kaddib markii uu qaraxaas dhacay.

 

Guddoomiyaha ayaa xilliga uu gaarigiisa miinada lagu qarxinayo sheegay inuu kasoo tagay gurigiisa, uuna ku jeeday xarunta Degmda Karaan, halkaasoo uu ka gudo-geli lahaa howlihiisa shaqo, balse ay miiinadaan gaarigiisa la qaraxday.

 

C/llaahi Maxamed Rooble ayaa sheegay in gaarigiisa uu burbur xoog leh ka soo gaaray Qaraxaas, balse ay ka badbaadeen isaga iyo ilaaladiisa , wuxuuna sheegay in aysan jirin cid wax uga noqotay falkaas qaraxa ah oo uu sheegay in uu ka dhashay Miino dhulka lagu aasay oo ahayd nooca remote-ka lagu hago. 

 

“Waan arkayay ruuxa rimuudka u hayay miinada gaarigeyga, waayo waxaan u jeeday isagoo rimuudka qabanaya, balse waxba ma aanu qaban karin xilligaas, waayo gaarigii ayaa billaabay inuu gariiro” ayuu yiri C/llaahi Maxamed Rooble Guddoomiyaha Degmada Kaaraan.

 

Guddoomiyuhu, wuxuu sheegay inuu cararay wiilkii miinada qarxiyay, balse ay eryadeen qaar ka mid ah ilaaladiisa iyo ciidammada Saldhigga booliiska Degmada Kaaraan, isagoo carrabka ku adkeeyay inuu ku rajoweyn yahay in la soo qaban doono wiilkaas miinada ku burburiyay gaarigiisa.

 

Falkaan uu ka badbaday Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa wuxuu noqonayaa kii afaraad oo lala beegsado qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyadoo isku dayada ay ku dhaawacmeen laba ka mid ah Guddoomiyeyaasha halka labada kalena ay ka badbaadeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).