11.8 C
London
Saturday, November 8, 2025

Madfac lagu tuuray agagaarka halka uu ka socdo shirka Dibu heshiisiinta Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, August 20, 2007(HOL): Dhawaqa madfac weyn oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan ayaa saakay ku dhacay Isgoyska Hotel Jubba ee Magaalada Muqdisho, halkasoo ku dhow xarunta uu ka socdo shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Madfacaan ayaa sababay dhaawaca toddoba ruux oo la u badnaa caruur iyo haween, iyadoo dadkaas loola cararay Isbitaallada Muqdisho, si loogu daweeyo, waxayna goobjoogayaal ku sugan deegaankaas ay sheegeen in dhawaqa madfaca uu ahaa mid xooggan.

 

Dadka qaarkood ayaa waxay sheegayaan in waxa qarxay ay ahayd miino dhulka lagu aasay, halka Dad kale oo badanna ay sheegeen in uu ahaa Madfac meel dheer laga soo tuuray. si kastoo ay ahaatana uu ahaa qaraxu mid xooggan oo laga maqlay deegaannadaas oo dhan, iyadoo dadkana uu argagax weyn geliyay.

 

“Wuxuu ahaa Madfac weyn oo aad Qaraxiisa laga maqlayay meelo badan oo Muqdisho ah, balse ma garaneynin halka uu ka yimid, deegaanka oo dhanna waxaa gashay cabsi, iyadoo dadka qaarkood ay billaabeen in ay ka baxaan guryahooda, si aysan dhiabaato uga soo gaarin madaafiic ay ka cabsi qabeen in isla goobtaas lala soo beegsado” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool agagaarka Hotel Jubba.

 

Ciidamo Boolis ah oo aad u tiro badan ayaa waxaa la dhigay goobta uu madfacu ku dhacay, iyadoo ilaallo xooggan ka haya goobtaas, isla markaana baaraya waxa soo dhacay waxa ay ahaayeen iyo khasaaraha qarsoon ee ay geysteen.

 

Captain Paddy Ankunda oo ah Afhayeenka Ciidammada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shacabka Muqdisho aysan ka nixin madafiic dabrid ah oo ay ku sameynayaan maanta hub cusub oo u yimid.

 

Ankunda, wuxuu sheegay in maanta oo dhan ay socon doonto tijaabada hubka cusub ee u yimid, isagoo sheegay inay sidoo kale tababar ku qaadanayaan ciidammada AMSIOM ee Muqdisho ku sugan, si ay wax badan uga ogaadaan hubkaan cusub isticmaalkiisa.

 

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Muqdisho ku dhaqan inaysan gelin wax argagax ah tijaabada hubkaas, waxaan ka raalligelinayaa cabsi shalay dhalatay markii aan billownay madaafiicda dabridka ah ” ayuu yiri Captain Paddy Ankunda afhayeenka ciidammada AMISOM ee Muqdisho ku sugan.

 

Cap. Paddy Ankunda, wuxuu ka gaabsaday inuu sharaxaad ka bixiyo hubka ay tijaabinayaan noociisa iyo goobta uu soo gaaray, wuxuuna kaga jawaabay su’aashaas in arrintaas ay tahay arrin ciidan oo aysan ahayn in laga sheego warbaahinta.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).