11.8 C
London
Saturday, November 8, 2025

Guddoomiyayaasha Degmooyinka Howl-Wadaag iyo Wardhiigley oo ka badbaaday Weerarro lagu dili lahaa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, August 18, 2007(HOL): Waxaa  maanta magaalada Muqdisho ka dhacay weerarro lagu qaaday mas’uuliyiin ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo qaar la dhaawacay, halka kuwo kalena ay ka badbaadeen weerarro lagu qaaday oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo.

 

Guddoomiyaha Degmada Howl-Wadaag Yuusuf Geelle Cilmi ayaa waxaa uu ku dhaawacmay Qarax Miino oo gaari uu saarnaa ku haleelay agagaarka Afisyooni ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhaawaca Guddoomiyahana haatan lagu daweynayo Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Howl-Wadaag Axmed Maxamed Yuusuf ayaa xaqiijiyay in uu Guddoomiyaha ku dhaawacmay Qaraxaas Miino, wuxuuse waxba kama jiraan ku tilmaamay warar kale oo sheegayay in uu Qaraxaas ku dhaawacmay C/llaahi Xasan Ganey Firimi oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Banaadir, kaasi oo guddoomiyaha ay gaari wada saarnaayeen.

 

Sidoo kalena, waxaa weerar Bambooyin loo adeegsday oo lagu qaaday ka badbaaday Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley Xasan Cali Maxamed Xashaash, kaasi oo ay kooxo hubeysan Bambo gacmeedyo ku tuureen xili uu la socday Ciidamo howlgallo Nbad-sugid iyo Hub Uruurin ah ka sameynayay Xaafado ka tirsan Degmada Wardhiigley, gaar ahaana inta u dhaxeysa Xaafadaha Geed Jaceyl iyo Xarar-yaale.

 

Guddoomiyaha oo qudhiisa ka hadlay weerarka lagu qaaday ayaa wuxuu sheegay in xili uu la hadlayay dhalinyaro si macno darro ah u fadhiyay meel ay Ciidamda howlgallo ka wadeen ay kooxo kale oo Dhalinyaro ah ay Bambo ku tuureen, hayeeshee aysan wax dhibaato ah ka soo gaarin Bambooyinkaas oo mid ka mid ah oo aanan qarxin ay ku dhacday lugahiisa dhexdooda.

 

Si kastaba arrintu ahaatee, Weerarrada maanta lagu qaaday mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo horay magaalada Muqdisho loogu dilay ilaa Shan Guddoomiye Degmo, Guddoomiye ku xigeenno iyo Guddoomiye Waaxeedyo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).