11.8 C
London
Saturday, November 8, 2025

Kooxo Bambooyin iyo Bastoolado ku hubeysan iyo Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka oo isku rasaaseeyay Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, August 18, 2007(HOL): Hal Ruux oo rayid ah ayaa geeriyooday, askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalkana waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii ay is-rasaaseyn xooggan ku dhexmartay Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo Kooxo Bambooyin iyo Bastoolado ku hubeysnaa.

 

Agagaarka Daarta Global oo ku taala Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaha ayaa waxaa isku rasaaseeyay Kooxo hubeysan iyo Ciidamada Dowladda Federaalka oo halkaas socod roondo ah ku marayay, waxaana is-rasaaseyntaas kadib dhacay Qarax xooggan oo ka dhashay Bambo gacmeed ay ku tuureen kooxihii la dagaalamayay Ciidamada Booliska.

 

Sidoo kalena Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo howlgallo ka sameynayay Xaafadda Geed Jaceyl ee Degmada Wardhiigley ayaa waxaa weeraray kooxo hubeysan, iyadoo lagu soo waramayo in uu halkaas ka dhacay iska hor-imaad socday dhowr daqiiqo.

 

Iska hor-imaadka dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saakay Ciidamada Dowladda ay howlgallo hub iyo waxyaabo qarxa lagu baarayo ka sameynayeen inta u dhaxeysa Isgoysyada Xarar-yaale iyo Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

Si kastaba arrintu ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay gacan ku heynteeda la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ku soo badanayay Qaraxyada, Dilalka iyo Iska hor-imaadyada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo  ka soo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).