11.8 C
London
Saturday, November 8, 2025

Madaxweynaha Kenya oo baaq u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadaha Islaamka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, August 18, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Kenya Mwai Kibaki ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadihii Islaamka in ay yeeshaan wada hadallo ay ku xalinayaan khilaafaadyada  u dhaxeeya ee ka jira dalka Soomaaliya.

 

Isagoo ka hadlayay kulan uu la qaaday Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu intaas ku daray Madaxweynaha Kenya oo xiligan ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD in haatan looga baahan yahay dhinacyada isku haya Soomaaliya in ay nabadda fursad siiyaan, si ay u soo af-jarmaan dhibaatooyinka soo gaaraya dadka rayidka ah ee cabanaya.

 

Madaxweynaha Kenya waxaa uu u xaqiijiyay Madaxweynaha Soomaaliya in Dowladdiisa aysan ka caajiseynin Nabad ku soo dabaalidda Gobolka oo ay burburiyeen isku dhacyo aan dhamaad lahayn.

 

Intii uu socday kulanka dhexmaray labada madaxweyne ayuu madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuuusuf Axmed isna warbixin ka siiyay dhiggiisa Kenya shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socda, kaasi oo bilowday 15-kii bishii hore ee aynu ka soo gudubnay, wuxuuna tilmaamay madaxweyne Yuusuf in shirkaas uu yahay mid lagu nabadeynayo dalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu sheegay in Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu yahay midkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto gudaha Soomaaliya in wejigiisii koowaad uu si guul leh ku soo dhamaaday, isla markaana looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xalinta khilaafaadka Beelaha, Nabadda iyo Hub-iska-dhigidda.

 

Wejiga labaad ee shirkana wuxuu sheegay in looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin Siyaasadda, Dowlad-Wanaaga, Qeybsiga Awoodda iyo Kheyraadka dalka iyo weliba dib u dhiska dalka.

 

Dhanka kalena, madaxweynaha Kenya oo ka hadlayay Shir ay lahaayeen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Ammaanka 13 dal oo ku yaala Bariga Afrika ayaa wuxuu ka sheegay in dalalka Afrika looga baahan yahay in ay deg deg Ciidamo ugu diraan Soomaaliya, si loo soo af-jaro dhibaatooyinka ka jira.

 

“Waa in aan dhamaanteen maskaxda ku heynaa in maalgelin aan ku sameyno nabadgelyo iyo ammaan lagu soo dabaalo Soomaaliya in ay horumar u tahay gobolka oo dhan”ayuu yiri Madaxweynaha Kenya Mr. Mwai Kibaki oo ku baaqay in la de-dejiyo Ciidamada loo dirayo Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).