11.8 C
London
Saturday, November 8, 2025

Mareykanka oo Dowladda Eritrea ku daraya Liiska Dalalka taageerada Argagixisada

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, August 18, 2007(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ka fiirsaneyso in ay Dowladda Eritrea ku darto Liiska Wadamada taageera Argagixisada, iyadoo uu Mareykanka taasi sabab uga dhigay in Eritrea ay hubeyso kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Maamulka Madaxweyne Bush ayaa wuxuu cadaadis saarayaa Dowladda Eritrea oo uu rumeysan yahay in ay kaalin ku leedahay deganaansho la’aanta ka jirta dalalka Geeska Afrika.

 

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika oo la yiraahdo Jendayi Frazer ayaa sheegtay in la eegayo oo laga fiirsanayo in Eritrea lagu daro liiska dalalka la rumeysan yahay inay argagixisada taageeraan, inkastoo ay caddeysay in uusan weli jirin go’aan rasmi ah oo arrintaas laga qaatay.

 

Guddi Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada dalalka Hubka geliya Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saareen waxay ku sheegeen in  Dowladda Eritrea ay hub isugu jira Gantaalaha Diyaaradaha lagu soo rido iyo weliba Miinooyinka Qaraxooda la waqtiyeeyo siisay Islaamiyiintra Xag-jira oo Soomaaliya ku sugan. Maamulka Madaxweyne Bush-na waxaa uu  sheegay in warbixintaas Qaramada Midoobay iyo xog ay soo uruuriyeen Sir-doonkooda ay is-taageerayaan.

 

Jendayi Frazer waxay sheegtay in Eretrea ay xiriir la leedahay Islaamiyiinta Xag-jira ee Soomaaliya, sidaas darteedna aysan Dowladda Mareykanka u dul-qaadaneynin kaalinta ay Eritrea ku leedahay wax ay ugu yeertay howlgallada Argagixisada ah ee ka socda Soomaaliya.

 

Dowladda Eritrea oo loolan adag iyo colaad ay kala dhaxeyso Dowladda Itoobiya ayaa la sheegaa in ay taageero siisay Kooxo Islaamiyiin ah oo ku sugan Soomaaliya, halka Dowladda Itoobiyana ay Soomaaliya u dirtay Ciidamo badan oo difaac u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna taas Dadka la socda Colaadda u dhaxeysa labadan Dal ku tilmaameen in ay Colaaddooda u safriyeen Dalka Soomaaliya, bacdamaa ay kala taageerayaan dhinacyada isku haya.

 

Ugu dambeyntiina, Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa haatan waxaa ku sugan xubno ka tirsan Maxkamadihii Islaamka iyo xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah, kuwaasi oo mas’uuliyiin u hadlay ay sheegeen in ay bisha soo socota Asmara ku qabanayaan shir lagu dhisayo Urur u ololeeya sidii Soomaaliya loo xoreyn lahaa.

  

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).