Sabti,
Afhayeenka Shirka Dib u heshiisiinta C/raxmaan Maxamuud Jimcaale (Shifti) ayaa sheegay in ajendayaasha maanta Shirka hor yaalla ay ugu horeyso sidii loo dhageysan lahaa qoraaladii ay xogheynta shirka soo diyaarisay muddadii shirku hakadka ku jiray, waxaana uu tilmaamay in qoraalladaasi ay soo koobayaan hadba wixii ajende iyo go’aanno oo horey shirka uga soo gudbay.
Guddoomiyaha Guddiga Shir guddoonka Shirweynaha Qaran Cali Mahdi Maxamed ayaa hore u sheegay in ergooyinka beelaha ay u madax bannaan yihiin inay wax ku daraan ama wax ka dhimaan wixii ay xogheynta iyo guddiyadda qoraalka soo jeediyeen.
Intaas kadib Xoghaynta Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa soo jeediyeen afar qodob oo lagu kordhiyay Ajendayaasha Shirka, kuwaasoo kala ah:
Qaxootiga iyo Dadka Soo Barakacay
Burcad Badeedka
Xuquuqda Muwaadinka iyo Dadka laga tirada badan yahay
Maqaamka Magaalo Madaxda Muqdisho
Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo maanta dib la isugu soo laabtay ayaa goor dhoweyd ka furmay Xarunta Gaadiidka Booliska ee Degmnada C/Casiis ayaa la filayaa in looga hadlo saxiixa qodobadii Ergooyinka Shirka ku heshiiyeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






