Sabti,
Dad ku sugnaa nawaaxiga halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxay sheegeen in qaraxaas uu ka dhashay Miino nooca remote-ka lagu hago ahayd, taasi oo lala eegtay kaliya gaariga ay saarnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka.
Sida ay xaqiijiyeen Dad goob-joog u ahaa qaraxaas waxaa halkaas ku dhintay labo askari, halka ay ku dhaawacmeen seddex Askari oo kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo dhamaantood wada saarnaa gaariga la qarxiyay oo noociisa ahaa TOYOTA SURF.
Qaraxaas oo dhacay saakay abaarihii 7:30-kii subaxnimo ayaa laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Muqdisho, , iyadoo la soo sheegayo in halka uu Qaraxa ka dhacay meel aan u dheereyn ay fariisin ku leeyihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo dabcan aanan ka war heynin Miinada meesha loogu aasay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa had iyo jeer waxay qaraxyada noocan oo kale ah ku eedeysaa Kooxo Islaamiyiin ah oo ka soo horjeeda, kuwaasi oo Saraakiisha iyo Fariisimada Ciidmada Dowladda Federaalka iyo weliba kuwa Itoobiya ku qaata weerarro loo adeegsaday Qaraxyo la mid ah kuwa ka dhaca Dalka Ciraaq.
Si kastaba arrintu ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay gacan ku heynteeda la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ku soo badanayay Qaraxyada, Dilalka iyo Iska hor-imaadyada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






