Jimco,
Jen. Cabdi Mahdi C/salaan oo ka mid ah Saraakiisha sare ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa raaligelintaas siiyay maamulka Isbitaalka Madiina, wuxuuna sheegay in ay arrintaas ku dhacday si aan ku talagal ahayn,”haddii ay maamulka Isbitaalka ka xumaadeen ciidamadii hubkala galay waxaan leenahay arrintaas ka raali ahaada mar dambena ma dhaceyso, waxaana idinla dareemeynaa in Isbitaalka uu yahay meel hubka uu mamnuuc ka yahay”ayuu yiri Jen. Cabdi Mahdi C/salaan.
Janaraalka wuxuu intaas ku daray in ay si weyn ugu bogaadinayaan Maamulka Isbitaalka Madiina sida ay Isbitaalkaas u xafideen, isla markaana ay ilaa haatan si wanaagsan gacanta ugu hayaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay ku dhiirigelinayaan maamulka Isbitaalka in ay sii wadaan howshooda u gargaaridda dadka dhaawacyada qaba iyo kuwa kale ee xanuunsanaya.
Jen. Cabdi Mahdi C/salaan waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in Isbitaalka Madiina uu yahay mid howl muhiim ah u haya Bulshada, gaar ahaan Dad dhaawacyo qaba oo maalin walba Isbitaalka la geeyo, kuwaasi oo mararka qaarkood noqda kooxo ku soo dagaalamay gudaha magaalada.
Raaligelinta uu bixiyay Sarkaalkan ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu Muqdisho Shir Jaraa’id ku qabtay Madaxa Ammaanka Isbitaalka Madiina Jen. Maxamed Warsame Dhooleey, kaasi oo sheegay in ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo hubeysan ay gudaha u galeen Isbitaalka Madiina, isagoo taasina ku tilmaamay mid xadgudub ku ah shuruucda u degsan Isbitaalka.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeennadii aynu ka soo gudubnay waxaa ka dhacayay Iska hor-imaadyo hubeysan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo weerarradaas habeenkii dhacana ay dad badan oo rayid ah ku kalifeen in ay guryahoodii ka barakacaan, isla markaana ay deegaan ka sameystaan meelo Muqdisho duleedkeeda ah oo joogitaankooda ay dhibaato ku qabaan sabab la xiriirta in aysan deegaanadaasi lahayn adeegyada aas-aasiga ah ee ay dadka u baahan yihiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






