
Jimco,
Nuur Jeenyo oo inta badan noloshiisii ku soo jiray Howlaha Isboortiga ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu ku noolaa dalka dibaddiisa, inkastoo uu dalka joogay xiligii ay dalka Soomaaliya ka dhacayeen dagaalladii sokeeye.
Marxuumka ayaa ka hor intii uusan geeriyoon waxaa uu ka soo laabtay socdaallo uu ku tegay dalalka Finland iyo Sweden oo ay ka dhaceen tartamo Isboorti oo loo qabtay kooxo Soomaaliyeed oo Kubadda Cagta ciyaara, kuwaasi oo ka dhisan dalalkaas.
Haddaba waxaa ka hadlay taariikhdii Isboorti ee marxuum Nuur Jeenyo mas’uuliyiin Isboorti oo ay ka mid yihiin Faarax Wehliye Caddow (Sendiko), Axmed Cabdi Daahir (Axmed Sheel) iyo Axmed Nuur Maxamed (Seyga Ruushka), kuwaasi oo dhamaantooda caddeeyay in marxuum Nuur Jeenyo uu ahaa halyey Isboorti.
Faarax Sendiko oo ay marxuumka muddo dheer is-yaqaaneen, isla markaana ay soo wada shaqeeyeen ayaa wuxuu sheegay in Nuur Jeenyo uu ahaa nin Isboortiga aad u jecel oo xitaa mar ku xoolo beelay xili uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta Kooxdii L.L.P.P-Jeenyo, isagoo caddeeyay in ay taasi muujineyso sida uu marxuumka u jeclaa Isboortiga.
Axmed Shell oo madax ka soo noqday Isboortiga Soomaaliya ayaa isna sheegay in Nuur Jeenyo oo uu da’diisa ku qiyaasay in ay 90-ka gashay uu ka mid ahaa Odayaashii waa weynaa ee Isboortiga Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uu Isboortiga ku jiray ka hor intii uusan dhalan, wuxuuna Alle uga baryay marxuumka in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Ehelladii iyo Asxaabtii uu ka tegay uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Sidoo kalena, Axmed Nuur Maxamed (Seyga Ruushka) oo ka mid ahaa ciyaartoydii Jeenyo uga ciyaari jirtay dhinaca difaaca ayaa mar uu ka hadlayay taariikhdii marxuumka waxaa uu sheegay in Nuur Jeenyo uu ahaa Aabihii Isboortiga Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in uu ku xusuusto marxuumka kadib markii uu dalka dibaddiisa u soo baxay in uu taageeri jiray Kooxda AC-Milan oo ku ciyaarta Maaliyad la mid ah tii Jeenyo, isagoo sheegay in uu marxuumka la xanuunsan jiray marka laga badiyo Kooxda AC-Milan.
Ma-dhinte waa Allaah, qof kastana mar ayuu geerida dhadhaminayaa, sidaas darteed waxaan leenahay marxuumka Alle ha u naxariisto INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






