11.8 C
London
Saturday, November 8, 2025

Ciidamada Itoobiya iyo Maamulka Gobolka Hiiraan oo isku af-gartay in sugidda Nabadgelyada guud loo daayo Ciidamada Maamulka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, August 17, 2007 (HOL): Kulan balaaran oo dhax maray Qaar ka mid Mas’uuliyiita maamulka Gobalka Hiiraan iyo saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee fariiska ku leh duleedka Magaalada Beledweye ayaa waxaa siweyn looga dooday qaabka loo sugayo amaanka guud ee gobalka.

 

Dhinaca Mas’uuliyiinta Maamulka oo ay kulanka ku wehliyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada ayaa sidoo kale layskula soo qaaday arimo u badanaa sida ay u wadda shaqeyn karaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Maamulka Gobalka sida uu sheegay  Col. C/raxmaan Dhagool oo ah Abaan-duulaha Ciidamada  DKM ee gobalka Hiiraan.

 

Labada dhinac ayaa ugu danbeytii isku af-gartay in wixii hadda ka danbeeya loo daayo sugida Nabad-galyada guud Ciidamada Maamulka gobalka islamarkaana kuwa Itoobiya ay ku ekaadaan xeryaha ay dagan yihiin, taasoo dhinaca Saraakiisha Itoobiyaaku aqbaleen.

 

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan duleedka Magaalada Beledweyne ayaa marka laga soo tago xeryaha ay ka degan yihiin deegaanka Jante-kuundisho, sidoo kale waxaa ay baaritaano lagu sugayo nabad-galyada ku sameyn jireen gawaarida isaga gooshta gobalada dhaxe, iyaga oo sidoo kalana mar marka qaar gudaha u soo gali jiray Magaalada marka ay jiraan arimo dhibaato ku ah nabad-galyada guud.

 

Maamulka Yuusuf Dabageed ayaa tan iyo wixii ka danbeeyay markii lagu wareejiyay mas’uuliyada hogaanka maamulka gobalka  waxaa uu waday howlo lagu xaqiijinayo Amaanka iyo waliba soo celinta bilicdii ay laheyd magaalada, taasoo hada meelaha qaar ka muuqneysa.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).