Jimco,
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Suuqaas lagu soo daadiyay ayaa waxay wadaan howlgallo ee Suuqaas ku baarayaan, iyagoo gebi ahaanna xayiray dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo weliba isu socodka Dadka iyo Gaadiidka.
Baaritaannada ay sameynayaan Ciidamadan ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay Suuqaas ka dhacayeen Qaraxyo qaarkood lagu bartilmaameedsaday gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kalena Howlgalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Suuqaas ay shalay iyo xalay falal dhac ah ka geysteen rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo markii ay dhaca geysteen kadib si cabsi la’aan ah isaga dhex laafyoonayay Suuqa dhexdiisa. Falalkaas dhaca ah waxaa cambaareeyay qaar ka mid ah ganacsatada ka xoogsatda Suuqaas, kuwaasi oo Dowladda Federaalka ka codsaday in ay ka xakameyso Ciidamadeeda u dhaqmaya sida Maleeshiyooyinkii Beelaha.
Ugu dambeyntiina, Xiisadda Nabadgelyo-darro ee ka oogantay Suuq Bacaad ayaa waxay timid kadib markii uu muddo 18 maalmood ah uu xaalad iyo qas iyo fowdo ah ku jiray Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, kaasi oo haatan sidiisii hore ku soo noqonaya, kadib markii ay sugidda ammaanka iskaashi ka sameeyeen Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Guddiga Ammaanka Qaranka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






