11.8 C
London
Saturday, November 8, 2025

Ammaanka Isbitaalka Madiina ee Muqdisho oo xumaaday

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 16, 2007(HOL): Amaanka Isbitaalka Madiina oo ka mid ah labo Isbitaal oo lagu daweeyo dadka ku dhaawacma magaalada Muqdisho iyo gobollada u dhow dhow ayay xaaladdiisa ammaan xumaatay kadib markii ay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Qori Gacmeedyo iyo Gaadiid Dagaal wata ay gudaha u galeen Isbitaalkaas.

 

Madaxa Ammaanka Isbitaalka Madiina Jen. Maxamed Warsame Dhooley oo shir jaraa’id ku qabtay xafiis uu ku leeyahay gudaha Isbitaalkaas ayaa sheegay in uu faraha ka sii baxayo ammaanka Isbitaalka Madiina, wuxuuna sheegay in ay beryahaan isbitaalka gudahiisa ka dhacayaan arrimo aan horay loogu aqoonin.

 

Jen. Maxamed Warsame Dhooley waxaa uu intaas ku daray in amni darradaas la dareemay kadib markii ay gudaha Isbitaalka galeen Dad hubeysan oo dhaawacyo wada, kuwaasi oo mararka qaarkood ku amra howl-wadeenada caafimaad ee Isbitaalka ka shaqeeya in ay wax ugu qabtaan sida ay iyagu doonayaan.

 

Jen. Dhooley waxaa uu intaas ku daray in gudaha Isbitaalka ay horay mamnuuc uga ahayd in hub lala galo, hayeeshee ay haatan soo baxeyso in la jebiyay shuruucdii Isbitaalka u degsaneyd.

 

Madaxa ammaanka Isbitaalka Madiina waxaa uu sheegay in haddii aan wax laga qaban arrintan Isbitaalka ku soo korortay uu xaalka Isbitaalka khatar ku jiro, isla markaana ay suurtagal tahay in ay dhacaan xadgudubyo hor leh.

 

Isbitaalka Madiina oo si isku mid ah loogu daweeyo dhinacyada ay iska hor-imaadyada ku dhexmaraan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la dhisay sanadkii 1969-kii, iyadoo burburkii dalka kadibna sanadkii 2000 lagu wareejiyay Hay’adda ICRC kadib markii ay sidaas garteen Maamulkii Isbitaalka iyo weliba Guddi metelayay Shacabka Soomaaliyeed.

 

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya oo ay dhacayaan Qaraxyo, iska hor-imaadyo ay dad ku dhaawacmaan ayaa waxaa ku yaala kaliya labo Isbitaal oo kala ah Madiina iyo Keysaney, kuwaasi oo qudhooda aanu u dhameystirneyn adeeggii uu Isbitaal u baahnaa, waxaana qalabkii laga bililiqeystay oo noqday deegaan ay degan yihiin dad soo barakacay Isbitaalladii Digfee iyo Xoogga, waxayna taasi muujineysaa sida ay meesha uga maqan yihiin adeegyadii Bulshada, gaar ahaan Caafimaadka.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Jaraa’id ee uu qabtay madaxa Ammaanka Isbitaalka Madiina Jen Dhooleey ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo dhawaan Isbitaalka Madiina lagala baxay nin dhaawac ah, kaasi oo la sheegay in ay is-aqoonsadeen dadkii kaxeystay oo Isbitaalka ka soo galay dhinaca dambe.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).