Khamiis,
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali ayaa shirkaas kadib waxaa uu la hadlay Saxaafadda, wuxuuna sheegay in kulankaas uu ahaa mid ay Khamiis kasta isugu yimaadaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ku xigeennadiisa iyo guddoomiyayaasha 16-ka Degmo ee Gobolka Banaadir.
Afhayeenka waxaa uu sheegay in shirkii maanta loo hadlay ajendayaal ay ka mid ahaayeen Ammaanka Muqdisho, Nadaafadda, MCH-yada iyo Arrimaha Xafiiska Guurka iyo Furriinka Gobolka Banaadir, isagoo caddeeyay in qodobada Ammaanka iyo Nadaafadda si weyn loogu jeex-jeexay shirkii maanta.
Maxamed Muxyaddiin Cali, Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in intii uu socday kulankaas uu warbixin ka jeediyay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Dhagax-tuur, kaasi oo ka hadlay Howlaha Nadaafadda ah ee ka socda Gobolka Banaadir iyo weliba arrimaha Jardiinooyinka, isagoo xusay in uu Dhagax-tuur sheegay in 19 Jardiino oo ku yaala Magaalada Muqdisho la dhistay, halka 19 Jardiino oo kalena ay banaan yihiin.
Intaas kadib ayaa waxaa shirkii maanta warbixin looga dhegeystay Guddoomiyayaasha 16-ka Degmo ee Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ka warbixiyay arrimaha Ammaanka Degmooyinka ay madaxda ka yihiin, iyadoo ugu dambeyntiina uu shirkaas ku soo af-jarmay sidii loogu talagalay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu dagaal kula jiraa kooxo falal nabadgelyo darro ah ka wada Magaalada Muqdisho, iyadoo ay xusid mudan tahay in la dilay tan iyo markii la magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir 5 Guddoomiye Degmo, kuwaasi oo uu ugu dambeeyay Guddoomiyihii Degmada Yaaqshiid Xaaji Cali Fiidow.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






