8.9 C
London
Saturday, November 8, 2025

Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo dib la isugu imaanayo Sabtida soo socota kadib markii uu maanta furmi waayay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 15, 2007 (HOL): Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo lagu waday in uu maanta ka sii socdo Xaruntii Gaadiidka Booliska kadib afar maalmood oo ay ergooyinka fasax ku maqnaayeen ayaa waxaa si amba qaadidiisa dib loo dhigay ilaa Sabtida soo socota.

 

Afhayeenka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamuud Jimcaale Shifti ayaa sheegay in maanta ay ahayd in ay ergooyinka sii amba qaadaan hayeeshee ilaa Sabtida soo socota dib loo dhigay kadib markii ay sidaas codsadeen Duubabka Dhaqanka Beelaha Hawiye, kuwaasi oo sheegay in ay meel wanaagsan u marayaan wada hadallo ay ku xalinayaan khilaafyo u dhaxeeya Beelaha Hawiye.

 

“Sida lagu ballansanaa maanta waxay ahayd in shirka dib u heshiisiinta laga sii amba qaado meeshiisii, hayeeshee codsi Guddoonka Shirka dib u heshiisiinta ka soo gaaray Salaadiinta Beesha Hawiye dartiis ayaa la isla gartay in shirka la isugu yimaado maalinta Sabtida ah ee soo socota”ayuu yiri C/raxmaan Shifti oo sheegay in codsiga Duubabka Dhaqanka Beelaha Hawiye muhiim loo arkay bacdamaa ay sheegeen in ay u socdaan wada hadallo Beeshaas lagu heshiisiiinayo.

 

Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa muddo afar maalmood ah waxay ku maqnaayeen fasax uu siiyay Guddoonka Shirka Dib u heshiisiinta, iyadoo sababta fasaxaasna lagu sheegay in Guddiga Qoraallada Shirka Dib u heshiisiinta uu soo diyaarinayo Qoraallo laga sugayo oo hab-sami u socodka shirka muhiim u ah.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo magaalada Muqdisho ka furmay 15-kii Bishii hore ayaa maanta waxay ugu buuxsan tahay muddo bil ah, iyadoo tan iyo xiligaasna ay ergooyinka ka qeybgelaya shirka oo ka socda Beelaha Soomaaliyeed ay ka doodeen qodobo ay ka mid ahaayeen xalinta khilaafaadka Beelaha, Dimoqraadiyadda iyo Dowlad-wanaaga, Xag-jirnimada Diimeed, Qeybsiga Awoodda iyo Kheyraadka Dalka iyo weliba kuwo kale oo xasaasi ahaa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).