Jimco, August 10, 2007HOL): Ciidamada Booliska Dowladda KMG ah ayaa saakay gudaha u soo galay xarunta Shabakadda Warbaahinta Shabelle ee magaalada Muqdisho, iyagoona xabsiga u taxaabay dhamaan shaqaalihii ku sugnaa xarunta, isla markaana ku amray in la damiyo Idaacadda.
Abaaro saakay
Taliye Cali Gaab ayaa ku amray ciidamadii uu watay in xabsiga loo dhaadhiciyo dhamaan shaqaalaha idaacadda Shabeelle
7 ka mid ah shaqalaha idaacadda oo uu ku jiro K/simaha agaasimaha idaacadda Shabelle, Jacfar Kuukaay ayaa loo dhaadhiciyay xabsiga degmada H/wadaag, waxaana ka mid ahaa:-
1. Jacfar Kuukaay Ku Simaha Agaasimaha Idaacadda Shabelle.
2. Nicmco Xasan Cabdi (Reporter)
3. Ceydiid C/raxmaan (Reporter)
4. Axmed Taajir (Reporter)
5. Cabdi Nuur Kediye (Reporter and News Caster)
6. Mustafa Xuseen Cumar (Reporter)
7.
Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli 7 dii bishaan oo ku beegneyd Talaadadii la soo dhaafay safaaradda Ethiopia ay ku leedahay Somalia ay ugu hanjabtay Idaacadda Shabelle sababo la xiriira sida ay uga hadasho dhacdooyinka Somalia.
Isha Warka: Idaacadda Shabelle






