12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Dharkeenley iyo Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Asluubta oo xalay Muqdisho lagu dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 09, 2007HOL):  Habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Dharkeenley marxuum Maxamed Nuur Salaad Boorow, kaasi oo la sheegay in ay kooxo hubeysan dileen xilli uu ku sii jeeday gurigiisa.

 

Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Macallin Cabulle Cali ayaa sheegay in marxuum Maxamed Salaad Nuur uu horay uga tirsana Guddoomiye ku xigeennada Degmada Dharkeenley, balse xilkaas laga qaaday, waayadan dambena uu ahaa nin aan wax xil ah ka heynin Degmada.

 

Malaaq Maxamed Yacquub oo ehel la ah Gudoomiye ku xigeenkii Degmada Dharkeenley ee la dilay ayaa sidoo kale ka hadlay dilka marxuumka loo geystay, wuxuuna sheegay in ay tuhmayaan in siyaasad ay ku lug leedahay dilka marxuumka, isagoo weliba caddeeyay in habeen hore marxuumka taleefoon loo soo diray, kadibna lagu yiri haddii aad ka bixi weyso howlaha aad ku jirto waa lagu dilayaa.

 

Habeen hore ayaa Degmadaas waxaa lagu dilay marxuum Aadan Faarax Jimcaale Looteeye) oo ka tirsanaa Guddoomiyayaasha Waaxaha Degmada Dharkeenley, iyadoo dilkiisana la sheegay in ay ka dambeeyeen kooxo bastoolado ku hubeysnaa.

 

Sidoo kalena, waxaa habeenkii xalay ahaa lagu dilay Xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid G/lle Sare Ibraahim Axmed Saney oo ka tirsanaa Ciidamadii Asluubta Soomaaliyeed, waxaana sida la sheegay marxuumka dilay kooxo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo  markii ay dileen kadib baxsaday.

 

Inj. Cilmi Axmed Ganey oo ay marxuumka qaraabo yihiin ayaa sheegay in marxuum Ibraahim Axmed Saney uu ka tirsanaa Ciidamadii Asluubta Soomaaliyeed, hayeeshee uusan haatan wax howl ah u heynin Dowladda Federaalka, “Waxaan u maleynayaa in loo soo bartilmaameedsaday in uu ka tirsanaa Ciidamada Asluubta, sababtoo ah ma jirin wax howl ah oo uu Dowladda Federaalka u hayay, taasina waa la su’aali karaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed”ayuu yiri Inj. Cilmi Axmed Ganey.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dilalka ka dhacaya magalada Muqdisho ayaa waxay muujinayaan in ammaanka aanu weli gacanta ku jirin bacdamaa la bartilmaameedsanayo dadka u shaqeeya Dowladda Federaalka iyo xitaa kuwa la tuhmayo in ay la shaqeeyaan. 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).