Khamiis, August 09, 2007HOL): Guddiga maamulaya shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu shirka marayo meel wanaagsan oo yididiillo leh, iyadoo ergooyinkana ay la dhacsan yihiin sida uu shirka u socdo.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen ayaa waxba
“Shirka meel wanaagsan ayuu marayaa, ergooyinkana si saraaxad leh ayay doodahooda u wadaagaan, marka iska daaya hadallada ay sheegeen dad shirka ka maqnaa muddo dheer oo markii ay yimaadeen bilaabay in ay qaab socodka shirka dhaliilaan”ayuu yiri Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen.
Gudoomiye ku xigeenka waxaa uu sheegay in ay shalay magaalada Muqdisho soo gaareen Wafdi uu hoggaaminayay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, kuwaasi oo uu sheegay inay Muqdisho u yimaadeen ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta, sidoo kalena waxaa uu carrabka ku dhuftay in ay filayaan in ay shirka soo gaaraan Duub Dhaqameedyo kale oo uu ka mid yahay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed.
Qaar ka mid ah ergooyinka Beelaha Hawiye ee ka qeybgelaya shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa guddiga maamulka shirka ku dhaliilay in aysan shirka keenin Duubabka dhaqanka Beelaha Hawiye oo sida ay yiraahdeen gobollo dhow jooga, halka diyaarado iyo Gaadiid dheereeya lagu doonay qaar ka mid ah Duubabka Beelaha Soomaaliyeed.
Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah Imaamka Beelaha Abgaal ayaa mar uu ka hadlayay Madasha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waxaa uu sheegay in ay garbahiisa ka maqan yihiin Duubabkii Dhaqanka Beelaha Hawiye, “Waa maqan yihiin Duubabka Dhaqanka Beelaha Hawiye badankood waxaa maqan Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Nuur, Ugaas C/qaadir Ugaas Fara-cadde, mana aqaano si ay taasi ku dhacday”ayuu yiri Imaam Maxamuud oo Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta ka codsaday in ay shirka keenaan Duubabkaas.
Ugu dambeyntiina, waxaa isa soo taraya eedaha loo jeedinayo guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, iyadoo eedaha ugu badan ee laga tirsanayo ay yihiin in aysan ergooyinka si cadaalad ah ugu qeybin soo gudbinta waxyaabaha ay tabanayaan, sidoo kalena ay ajendayaasha laga doodayo soo af-jaraan iyadoo aaney ergooyinka isku wada raacin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






