12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Maxakamadihii Islaamka oo Dowladda Kenya ku eedeeyay in ay Xad-gudubyo ku heyso Dadka Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 09, 2007HOL):  Warsaxaafadeed ka soo baxay Maxkamadihii Islaamka ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay dadka Soomaaliyeed ku heyso tacadiyo isugu jira xarig, dhac iyo boob loo geysto hantida Maatida uu cadawgu soo barakiciyay, waa sida warsaxaadeedka ku qorane.

 

Sidoo kalena waxaa ay Maxkamadihii Islaamka ku eedeeyeen Dowladda Kenya in ay dadka Soomaaliyeed ee ka soo hayaamay dalkooda ay u gacan geliyaan cadawgooda, iyagoo naftooda laga ganacsanaya.

 

“Waxaan la iloobin karin falalka cadawnimada muujinaya ee ay Dowladda Kenya horay ugula  kacaday Maatada Soomaaliyeed ee la soo barakiciyey , taas oo ahayd in ay ku hor-istaageen xuduudda,  una diideen in la gaarsiiyo kaalmo biniaadamnimo”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Maxkamadihii Islaamka oo uu ku saxiixnaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

 

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu weli xasuusan yahay dhaawicii ka soo gaaray falalkaas cadawnimada ah ee ay kula kacday Dowladda  Kenya,  kuwaasi oo aysan  garaneynin waxa ku xambaaray, tiyoo ay dowladda Kenya xusuusan tahay in shacabka Soomaaliyeed uu u baahan yahay cid boogihiisa dhayda.

 

“Xadgudubyada ay Dowladda Kenya kula kacday Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhamaantood  waxay yihiin kuwo ka fog  bini’aadamnimada, isla markaana  lid ku ah shuruucda Samaawiga ah iyo kuwa kale ee  u yaalla Ummadaha, iyadoo sidoo kalena ay dhaawacayaan Derisnimada iyo Xiriirka wanaagsan ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada Dal iyo labada Shacab ee Walaalaha ah”ayaa mar kale lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Maxkamadihii Islaamka.

 

Maxkamadaha ayaa ugu baaqay Dowladda Kenya in ay dib u eegto wax ay ugu yeereen siyaasaddeeda qaawan ee ku dhisan raaligelinta cadawga Sooomaaliyeed iyo ka faa’iideysiga  marxaladda adag ee soo wajahday Shacabka Soomaaliyeed. Waxaa kale oo ay Maxkamadaha ugu baaqeen Dowladda Kenya in ay u dhaqanto sida ay u dhaqmaan dalalka deriska la ah dalalka ay colaaduhu ka jiraan, kuwaasi oo martigeliya dadka deriska la ah ee u soo qaxay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).