12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Jaamacadda Carabka oo ka jawaabtay eedeyn uu Shiikh Shariif Shiikh Axmed u jeediyay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 09, 2007HOL):  Jaamacadda Carabta ayaa si kulul uga jawaabtay eedeyn uu dhawaan u jeediyay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxayna sheegeen in eedeynta loo jeediyay ay tahay mid aan sal iyo raad lahayn.

 

Mas’uul u hadlay Jaamacadda Carabta ayaa wuxuu sheegay in eedaha uga yimid Guddoomiyaha Maxkamadihii Islaamka ay ahaayeen kuwo aaney waxba ka jirin, isla markaana ay Jaamacadda Carabta dadaal weyn u gashay sidii mushkiladda Soomaaliya xal loogu heli lahaa, isla markaana dhinacyada isku haya loo heshiisiin lahaa.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta in aysan arrimaha Soomaaliya dhexdhexaad ka ahayn, isla markaana ay la safteen Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sida uu yiri dalka ku soo hoggaamisay Cadawga Ummadda Soomaaliyeed.

 

Hadalka Shiikh Shariif ayaa wuxuu yimid kadib markii guddi 11 xubnood ah oo ay Jaamcadda Carabta u saartay in ay ka hadlaan xaaldda dalka Soomaaliya ayaa gunaanadkii shirkooda soo saareen qodobo khuseeya arrimaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen in Jaamacadda Carabta ay taageero dhaqaale iyo mid logistic ah ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay u soo celiso hay’adihii dowliga ahaa, in Jaamacadda Carabta ay Ciidamo u dirto Soomaaliya, kuwaasi oo ka qeybqaadanaya sugidda Nabadgelyada Soomaaliya iyo in ay cambaareynayaan Kooxaha Weerarrada iyo Qaraxyada ka geysta Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay ku tilmaameen Nabad-diidayaal.

 

Haddaba mas’uulkan u hadlay Jaamacadda Carabta ayaa wuxuu sheegay mar uu ka jawaabayay eedeyn ahayd in ay raali ka yihiin joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in ay mowqifkooda arrintaas ku saabsan horay u muujiyeen, isla markaana ay dhowr jeer ku baaqeen in Soomaaliya la geeyo Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah, si ay meesha uga baxaan Ciidamada Itoobiya, inkastoo uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay markoodii hore Soomaaliya ku galeen dalab ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).