12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Ugaaska Beesha Xawaadle oo farriin Nabadeed u diray Ugaaska Beesha Murusade

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, August 08, 2007(HOL): Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo hadal ka jeediyay Munaasbad lagu soo afjarayay socdaal Nabadeedkii ay dhawaan qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan ku soo mareen duubka dhaqanka gobalka ayaa baaq iyo fariin Ugaas C/qaadir Ugaas Faracade si loo soo afjaro colaad wali ka dhax aloosan Beelaha Murusade iyo Xawaadle.

 

Baaqa Ugaaska uu soo jeediyay ayaa ka dhashay dilkii ugu danbeeyay ee dhawaan deegaanka Maxaas loogu geystay 7 ruux oo rayid ah kuwaasoo warar soo baxay ay sheegayaan in ay dileen maleesho ka timid dhinaca gobalka Gal-gaduud, taasoo burineysa heshiis horay u dhex maray wax-garadka labada beelood oo ay kala hogaaminayeen Ugaasyada Labada Beelood.

 

Ugaas C/raxmaan waxaa uu ku sheegay baaqiisa in mar kale dib loo eego heshiisyadii horay loo gaaray, isla markaana waxyaabihii ugu dambeeyay ee dhacay xoogga la saaro in aysan isku badalin kuwo gacan ka hadal dhaliya, sidoo kale waxaa uu Ugaasku ka codsaday dhiggiisa Ugaas Fara-cadde in uu ku booriyo wax-garadka iyo odayaasha degmada Ceel-buur in ay wax ka qabtaan dhibaatada arimaha ka soo cusboonaanaya labada beelood.

 

“Sidoo kale dhawaan waxaan filayaa in aynu is aragno Imaan Max’uud Imaan Cumar inaga oo ka wada hadli doonna colaadda sidoo kale ka dhex-taagan Beelaha dega Maxaas iyo Aadan Yabaal ayuu yiri Ugaas C/raxmaan oo sheegay dhinaca kale in aysan Soomaalidu colaad waxba ku keeni karin.’

 

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa baaqan ka jeediyay Munaasbad gunaanad u aheyd Socdaalkii Nabadda dhinaca kalana lagu soo ban-dhigay tallaabada xigta ee duubabka qaadi doonaan si loo xoojiyo nabadda guud ee gobalka Hiiraan, waxaana munaasbadaas goob joog ka ahaa Madaxa Xarunta Climi Baarista iyo wadda tashiga Soomaaliyeed  CRD  Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo waliba ku-xigeenka Madaxa dhaqaaqa Bulshada Rayidka Gobolka Banaadir C/qaadir Nuur Gacal.

 

Madaxa Xaruta Cilmi Baarista iyo Wadda-Tashiga Soomaaliyeed CRD Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay tallaabada ay qaadeen duubabka dhaqanka gobalka Hiiraan oo ah ayuu yiri tallaabo ku dayasho mudan, isagoo intaas raaciyay in haddii la joogteeyo socdaallada ceynkaas oo kale ah meeshaba laga saari lahaa colaad dambe oo soo noqota.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).